Gabiley: Xildhibaan Axmed Ciisood Oo Eedaymo U Jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha

0
916

Gabiley (HP): Xildhibaan Axmed Ciisood Axmed, oo ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ayaa ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland inuu ka joojiyay golahooda kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay dal badeen golahoodu.

Waxaanu sheegay in baajinta kal-fadhigaasi uu ka danbeeyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, kaasoo ka joojiyay kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeelan lahaayeen.

Xildhibaan Axmed Ciisood, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Gabiley waxa uu sheegay in ay xubno ka mid ah golaha deegaanka Gabiley ay dalbadeen kal-fadhigaasi aan caadiga ahayn ayna u mareen dariiq sharci ah.

Qabashadda kal-fadhigaasi ayuu xildhibaanku tilmaamay in ay saxeexeen 8 ka mida golaha deegaanka Gabiley, Iyadoo kal-fadhigaasina ay goluhu u balan sanaayeen in uu saaka dhaco.

Balse markii ay xarunta dawladda hoose ee Gabiley ay ku soo xaadireen in looga yeedhay xafiiska badhasaabka gobolka Gabiley, kaasoo u sheegay in wasiirka daakhiligu uu la soo hadlay kuna amaray in kal-fadhigaasi la joojiyo.

Geesta kale xildhibaan Axmed Ciisood, ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabadda uu wasiirka arrimaha guduhu kaga joojiyay kal-fadhigaasi, isla markaana aanu xaq iyo sharci toona u lahayn arrintaasi.

Xildhibaanku waxa uu qodobeeyay sababta ay gole ahaan u dalbadeen kal-fadhigaasi aan caadiga ahayn ee uu ku eedeeyay in wasiirka arrimaha guduhu uu ka joojiyay.

LEAVE A REPLY