Xiisaha Lafa-gurka Gobannimo Tv iyo Somaliland Waxa Kala Gudboon Heshiiska Qadar iyo Sucuudiga

0
1019

Hargeisa (Hargeisa Press) — Sucuudiga iyo Dalalka Xulafada la ah ee Imaaraatka Carabta, Baxreyn iyo Masar, ayaa xidhiidhka u jaray Qadar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto kooxaha xagjirka ah, iyagoo xayiraad diblomaasiyeed, mid ganacsi iyo mid safarba ku soo rogay Qadar.

Laakiin, dedaallo khilaafkaasi xal loogu raadinayey oo ay muddo soo wadeen Dawladaha Maraykanka iyo Kuwait ayaa doraad guulaystay, waxayna Sucuuciga iyo Qadar isku fureen xuduudka ay wadaagaan.

Markii Sucuudigu uu furay Xuduudihii dhulka iyo Cirka, waxa Magaalada Riyaadh tagay Amiirka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani, kaasi oo aqbalay Marti-qaad uga yimid boqorka Sucuudiga Salman bin Cabdicasis, waxaanu Amiirka Qadar ka qayb-galay Shirka Iskaashiga Dawladaha Khaliijka oo halkaa ka dhacay.

Inkasta oo ay heshiiyeen isla-markaana xuduudaha isku fureen Sucuudiga iyo Qadar, haddana waxa jiray in markii khilaafku soo kala dhex galay uu dagaalkooda diblumaasiyadeed saamayey meelo kala baxsan Dalalkooda isla-markaana wuxuu u gudbay Dalalka Bariga Afrika oo ay ku jiraan Somaliland iyo Soomaaliya.

Somaliland 

Imaaraadka oo dagaalka Qadar xulafo kula ahaa Sucuudiga, sidoo kalena Saaxiib la ah Somaliland oo uu Maalgeshi ka sameeyay, ayaa dhaqdhaqaaqyo uu sameeyay awgeed waxay Somaliland taageertay Xulafadii uu Sucuudigu hoggaaminayey, halka ay ka soo horjeedsatay Qadar, iyadoo sheegtay inay xidhiidhka u jartay Dawladda Qadar.

Dr. Sacad Cali Shire oo xilligii ahaa Wasiirkii arrimaha dibedda ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed-siilaanyo ayaa Warbaahinta u akhriyey go’aamo ay Golaha Wasiirrada Somaliland ku soo saareen mowqifka khilaafka Qadar iyo Xulafada Sucuudiga 10 June, 2017, waxaanu yidhi  “Somaliland iyadoo ka soo horjeedda Xagjirnimada iyo Cid kasta oo taageerta Xagjirnimo, JSL iyadoo tixgelinaysa ilaaqaadka Taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Waddamada Khaliijka, waxay Golaha Wasiirradu isugu yimaaddeen shir aan Caadi ahayn, shirkaasi wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasi ee ka dhexeeya dalalka Khaliijka iyo Mowqifka JSL ay ka qaadanayso. Sidaasi darteed Shirka Golaha Wasiirrada waxa ka soo baxay inay Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerayso mowqifka iyo Aragtida ay Dalalka Imaaraadka iyo Sucuudigu ka qaateen khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo dalka Qadar.”

Waxa xusid mudan in xilligaa Somaliland sheegtay inaan Hawadeeda isticmaali karin Cid aan amar ka ka haysan, taasi loo fahmay diyaaradaha Qadar oo fasax ka haystay Dawladda Soomaaliya.

Soomaaliya

Laakiin, Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xilligaa qaadatay Go’aan ka duwan ka ay qaadatay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayey Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumaddii Raysal-wasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre ayaa khilaafka soo kala dhex galay Qadar iyo Sucuudiga iyo Xulafadiisa ka qaatay Mawqif dhexdhexaadnimo ah, go’aankaasi oo ay ku adkaysatay, inkasta oo la sheegay kin culays dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeedba ay saareen xulafada Sucuudigu hoggaaminayey.

Maanta

Markii uu soo baxay Warka sheegaya inay heshiis gaadheen Dawladaha Qadar iyo Sucuudigu, waxa Dawladda Soomaaliya soo saartay War-saxaafadeed, waxayna sheegtay inay soo dhaweynayso heshiiskaasi.

Hase-yeeshee, Dawladda Somaliland oo la safnayd dhinaca Sucuudiga iyo Xulafadiisa ayaan illaa hadda ka hadal heshiiska la gaadhay, waxaana suurto-gal ah in aanay ka hadalkiisa ugu deg-degin sidii ay ugu kala xaglisay labada dhinac markii uu khilaafku jiray.

Haddaba, waxay is-weydiintu tahay, Somaliland maxay ka dheeftay Taageeradii ay u muujisay xulufada Su’uudiga iyo xidhiidh-u-jarkii Qadar, iyo waxay illaa hadda uga aamusantay heshiiskaas.

Waxaa Su’aalahaas iyo kuwo kale la weydiiyay oo Xubinta Lafa-gurka Gobanimotv ka qayb-qaadanaya Rashiid Jaamac Dheri oo ka mid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland, isla markaana aqoon gaar ah u leh Dalalka Carabta, si dhawna ula socda dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee ka jira Mandaqadda, Waxaanan ugu horreyn weydiinnay Rashiid waxa uu Somaliland uga dhigan yahay heshiiska Qadar iyo Xulafada uu hoggaamiyo Sucuudigu ee ay hore u ula kala safatay?

2-Rashiid oo, oo aannu weydiiyey dariiqa Somaliland u mari karto inay taageerada ama soo dhawaynta heshiiska labada dhinac, inkasta oo ay hore u Qadar cadaawad ugu siyaasadeed ugu muujisay, waxa uu ku jawaabay.

3-Rashiid Jaama’ Dhari, waxa uu soo jeediyey inaan Xukuumadda ka aamusin waxyaabaha Mandaqadda ka dhacaya, sida dagaalkii Itoobiya, heshiiska Carabta iyo arrimo kale oo uu aaminsan yahay inay wanaagsanayd inay Somalilannd ka badheedho.

LEAVE A REPLY