Xiisad Cakiran oo U Dhaxaysa Ciidamo Kawada Tirsan Somaliland oo Ka Taagan Gobolka Sool

0
993

Laascaanood (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool gaar ahana deegaanno hoostaga degmada Laas-caanood ayaa sheegaya in ay halkaa ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamo kawada tirsan Somaliland.

Xiisadan ayaa ka dhalatay sida wararka nagu soo gaadhayaan xadhiga lagula kacay Taliye ku-xigeenkii qeybta Todobaad ee ciidamada Somaliland oo lagu magacaabo Ibraahim Ashkir.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Deegaanka Gooja Cadde oo xiisadan ka taagan tahay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo ka cadheysan xadhiga taliye ku-xigeenka halkaa ka wadaan dhaqdhaqaaq ka dhan ah xadhiga sarkaalka.

Amarka lagu soo xidhay taliye ku-xigeenka ayaa la sheegay in uu bixiyay Taliyaha qeybta tododbaad Col Mahad Cambaashe.

Ciidamo taabacsan taliye ku-xigeenka qeybta Todobaad ee ciidamada Somaliland Ibraahim Ashkir ayaa la sheegay in ay ka cadhoodeen go’aanka xabsiga loogu dhigay Sarkaalkaas isla markaana dalbadeen in lasii daayo hadii kalana ay dagaal bilaabi  doonaan.

 

Hargeisa Press Desk/Laascaanood Office.

LEAVE A REPLY