Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya oo U Sii Cakirmaya Dhaqdhaqaaqa Somaliland

0
659

Muqdisho (HargeisaPress)- Dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Qoraal uu 27-kii bishan uu Twitter-ka ku baahiyey xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Kenya, kaasi oo uu ku faahfaahiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, yaasiin xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)  oo ay Nairobi ku shireen.

War-saxaafadeed Maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu u yeedhay Safiirka Dawladda Kenya u jooga Muqdisho, loona dhiibay farriin ah inay ka xun yihiin Qoraalka uu Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibeddu ku baahiyey Twitter-kiisa.

War-saxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeedhay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau.

Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya.”

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here