Xattooyada Gaadiidka Dadweynaha Oo Ku Soo Badana Caasimada Somaliland, & Sababta Keentay, Iyo Dareenka Xukuumadda Iyo Hawlgalada Booliska Ay Ku Raadinayaan

0
944

Hargeysa, (HargeisaPress) —Tuugo cusub oo beegsanaysa Gaadiidka Dadweynaha ee caasimada Hargeysa, ayaa maalmihii u danbeeyey si weyn loo dareemayey iyadoo xilliyo kala duwan oo maalin iyo habeen ah la arkay in la xaday gaadhi uu qof shacab ahi leeyahay oo yaalla gurigiisa hortiisa, sidaasi awgeedna ay ciidanka Boolisku maalmihii u danbeeyey ay ku gudo jireen hawlgalo ay ku baadi-doonayaan tuugadaasi cusub.

Haddaba, tuugada gaadiidka dadweynaha ayaa u muuqda kuwa ujeedadoodu tahay inay gaadhiga waxyaalo ka mid ah ay ka furtaan sida Rikoodhka, Taayirada iwm, isla markaana ay qaataan wixii gaadhiga ku dhex jira, kadibna ay gaadhiga meel cidlo ah oo gudaha magaalada ama harreeraheeda ah amase xaafadii ay ka soo xadeen maahee mid kale oo aan laga filayn inay kaga carraraan, sidaasi darteedna waxa la helay dhawr gaadhi oo la xaday maalmo yar dabadood.

Haddaba, waxa xusid mudan Gaadhigii u danbeeyay ee laga xado gudaha Magaalada Hargeysa waa gaadhi uu leeyahay nin dhallinyaro ah oo la yidhaa Mustafe Maxamed Kheyre oo ah nooca loo yaqaano SURF, lambarkiisu yahay 41791, gaadhigan ayaa noqonaya kii u dambeeyay ee la xado, waxaana la xaday xalay goor saacadu aheyd 7:10pm, waxaana laga xaday gurigiisa hortiisa oo ku yaalla Xaafada Jigjiga yar ee Waaxda Ibraahim Koodbuur, ilaa haatana lama helin gaadhigaasi.

Waxaana sidaa lagu cadeeyey qoraal kooban oo mulkiilaha gaadhigani uu soo dhigay barta uu ku leeyahay internet-ka ee facebook oo si weyn loogu qaadaa dhigay, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan, “Xalay waxa gurigayga hortiisa laga kaxeystay gaadhigaygii iyadoo furihii aan anigu haysto, Lambarkiisu waa 41791 sawirkiisuna waa ka hoose, Ciddii aragtaa ama war ka heshaa hala socodsiiso booliska ama halkan ha igala soo xidhiidho. Mahadsanidiin.

Intaasi kadib, Wargeyska Himilo waxa uu u hawlgalay sidii uu dhacdadan uu bulshada ugu gudbin lahaa, waxaanu la xidhiidhay masuuliyiinta Xukuumadda ee uu xilku ka saaranyahay.

Ugu horreyna, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan, oo Wargeyska Himilo khadka teleefanka ugu warramaya mid ka mid ah Suxufiyiinta Wargeyska Himilo oo wax ka weydiiyey jiritaanka xattooyada gaadiidka dadweynaha iyo halista ka dhallan karta iyo qorshaha xukuumadda uga meel yaalla, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Arrintani Xattooyada Gaadiidku waa arrin Amni ee maaha arrin Gaadiid, laakiin waa wax jira oo waanu la soconaa oo shirka Gollaha Wasiirada waa lagaga hadlay, sidaasi awgeedna Ciidanka Boolisku hawshaasi wuu ku gudo jiraa oo dhawaanahanba si weyn ayey hadh iyo habeen u baadhaan gaadiidka, waxaana la ogaaday inay tahay arrin tuugo oo loo adeegsado gaadiidka yaryar ee la yidhaa dukhaanka (VITS), kuwaasi oo sitta furaha gaadhi kasta lagu kaxayn karo ee (Master Key)”.

Wasiirku oo Wargeyska Himilo mar kale uu weydiiyey inay jiraan gaadiid laga xaday Hargeysa oo dalka lagala baxay inuu jiro, waxaanu ku jawaabay “May, ma jirto ee waa tuugo ku eeg gudaha dalka oo markay gaadhiga xadaan wax bay ka furanayaan ama ka dhex qaadanayaan, dabadeedna halkaasi ayey kaga tegayaan oo waxa laga helaa magaalada gudaheeda ama harreeraheeda, mana dhici karto in gaadhi la xaday magaalada iyo dalka dibada loogala bixi karo, waayo gaadhi aan xogtiisa la haynini dalka kama bixi karo oo mar kasta gaadiidka waxa si rasmi ah loo eegaa sharcigiisa iyo xogtiisa, sidaasi awgeed bulshada waxa looga baahanyahay inay ciidanka Booliska kala shaqeeyaan oo ka caawiyaan sidii tuugadaasi looga hor taago lahaa”. Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadku Cabdillaahi Abokor.

Dhinaca kalena, Taliska Ciidanka Booliska JSL oo wargeyska Himilo la xidhiidhay ayaanay noo suurto gelin in Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska, uu teleefanka naga qabto marar dhawr ah oo aanu isku daynay, balse wararka xaqiiqada ah ee uu Wargeyska Himilo ka helayo arrintan xattooyada Gaadiidka iyo qorshaha uga meel yaalla Ciidanka Booliska ayaa waxay sheegayaan “In Ciidan gaar ah oo Boolisku ka tirsan loo sameeyey xattooyada Gaadiidka, isla markaana uu boolisku fuliyey hawlgalo ballaadhan oo ay arrintan ku wajahayaan, sidaasi awgeed la soo qabtay gaadiidkii la xaday qaarkood iyo tuugadii xaday ba”.

Dhacdadan Xattooyada Gaadiidka Dadweynaha ayaa muddooyinkii u dambeysa si weyn isku soo tarraysay, isla markaana laga dareemayey gudaha magaalada Hargeysa, iyadoo ay ka cabbanayaan ama ay raadinayaan gaadiidkoodii dadweynaha oo sheegay in laga xaday gurigiisa hortiisa xilli maalinimo ama habeenimo, iyo waliba baadi-doonka gaadiidka la xaday oo ay ku hawlan yihiin ciidanka Boolisku oo aad arkayso iyagoo gaadiidka joojinaya oo baadhaya oo weydiinaya sharcigii lahaanshaha gaadhiga iyo kii waddista gaadhiga ba, waxaana xusid mudan in hawlgalkaasi lagu bartilmaameedsado gaadiidka yaryar ee Dukhaanka oo ay inta badan wattaan dhallinyaradu.

Ugu dambayntii, dhacdadan Xattooyada Gaadiidka Dadweynuhu waa arrin halis ah oo fool xun oo waxyeelo u geysan karta ammaanka dadka iyo dalka ba sidaasi awgeedna waxa loo baahan yahay in Dawlad iyo Shacab ba si wada jir ah loo wajaho oo layska kaashado, waxaanu Wargeyska Himilo ummadda Somaliland ku barraarujinayaa inay arrintaasi ka hor tagaan oo ay gacan ka siiyaan cid kasta oo ku hawlan.

Himilo

LEAVE A REPLY