Xasan Sheekh iyo Ruto oo Taleefonka Ku Wadahadlay

0
623

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefonka wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Samoei Ruto, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh, ayaa Ruto iyo ku-xigeenkiisa Rigathi Gachagua ugu hambalyeeyey guusha ay ka gaadheen doorashooyinka dalkaas.

“Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’addaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqonaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Villa Somalia

“Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, waxa uuna tilmaamay ixtiraamka iyo qaddarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan walaalahooda Soomaaliya.”

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, labada Madaxweyne, ayaa isla qaatay adkeynta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida Mandaqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Guddiga doorashaa Kenya, ayaa shalay ku dhowaaqay in Ruto uu ku guuleystay doorashada, inkasta oo xubno ka mid ah guddiga ay taas ka horyimaadeen.

Dhinaciisna, Raila Odinga oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Nairobi, ayaa sheegay inaanu aqbaleyn natiijada ay guddigu shaaciyeen, isaga oo intaas ku daray inuu sharciga la tiigsan doono.

LEAVE A REPLY