Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo Ku Kulmay Villa Somalia

0
703

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay madaxweynaha kursiga ka degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, oo uu ku shaaciyey kulankan ku yidhi “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo igu qaabilay xarunta madaxtooyada, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dalalka aan walaalaha iyo saaxiibada nahay ee dalkeena u soo diray dhambaallada hambalyada ah.”

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee Soomaaliya, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dardar gelinta dadaalladii horumarineed ee Soomaaliya ka socday 5-tii sano ee la soo dhaafay.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, isaga oo faray in ay si degdeg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka, ayaa intaas ku daray in sidoo kale madaxtooyada “ay u guddoontay” madaxweyne Xasan Sheekh dhambaallo hambalyo ah oo ku aaddan guusha uu ka gaadhay doorashadii Madaxtinimada ee ku qabsoomtay Muqdisho 15-kii bishan.

Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegtay in dalalka hambalyada u soo diray Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya ay ka mid yihiin; Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Amiirka Qatar, Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowladda Imaaraatka Carabta, Dowladda Turkiga, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Amiirka iyo dhaxal sugaha dalka Kuweyt, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska, Saldanadda Cumaan iyo dalalka kale oo badan.

Villa Somalia, ayaa sheegtay in sidoo kale, ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyo u soo direen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, Madaxweynaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, Madaxa Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu iyo Midowga Yurub oo dhammaantood muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeeyaan Madaxweynaha.

Xasan Sheekh, ayaa dib loogu doortay madaxweynaha Soomaaliya 15-kii May, isaga oo wareeggii ugu dambeeyey doorasho ay ka qeyb-galeen 34 musharax uga adkaaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh, ayaa hore Soomaaliya madaxweyne uga soo noqday intii u dhaxeysa September 10, 2012 illaa February 7, 2017, markaasi oo uu beddelay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY