Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo Baaq Ka Soo Saartay Xadhig Ay Xukuumadu Kula Kacday Fanaaniin Muqdisho Tagay

0
1971

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ee (HRC) ayaa baaq culus kasoo saartay xadhig ay xukuumada Somaliland kula kacday fanaaniin dhawaan Muqdisho tagay.

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa sheegtay inay wax laga xumaado tahay in xadhig lagula kaco fanaaniintaasi, kuwasi oo xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ay ku eedeysay qodobo culus oo aan loo meel dayin.

Xukuumada Somaliland ayaa fanaaniintaasi kusoo oogtay dacwad ciqaab ah iyada oo ku eedaysay falal Somaliland ka dhanka ah oo muwaadin dalka debediisa ka sameeyo (qodobka 212 Xeerka Ciqaabta) iyo in qof muwaadin ahi lacag ka qaato shisheeye (qodobka 189), sida lagu sheegay Baaqaasi kasoo baxay HRC oo nuqul kamid ah uu soo Warbaahinta Hargeisapress.

Xarunta ayaa sharci daro u aragta dacwada ay xukuumadu kusoo oogtay fanaaniintaasi oo magacaantooda lagu kala sheegay Xamda Yuusuf Ibraahim iyo Barwaqo Maxamed Xaashi, iyada oo xabsigana loo taxaabay bishii hore ee April.

Sidoo kale, waxa baaqa kasoo baxay Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland (HRC) lagu sheegay inay xukuumadu xadhig kula kacdo shaqsiyaad afkaartooda ku qora baraha bulshada gaar ahaan barta Facebook, isla markaana lagu soo oogo dacwad.

Xarunta ayaa walaac xoogan ka muujisay ciqaabta xukuumada Madacweyne Biixi ay marsiineyso fanaaniintaasi iyo dadka ka afkaarta duwan, iyada oo eedaha lagu soo oogeyna ku tilmaamtay kuwo aan sharci ku fadhiyin.

Ugu dambeyntiina waxa ay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeedisay inay dib uga laabato eedahaasi, isla markaana ay usoo celiso xoriyada fanaaniintaasi oo ku xidhan sifo sharciga baalmarsan.

LEAVE A REPLY