Xarunta Xaquuqal Iinsaanka Somaliland Oo Qabatay Kulan Lagaga Doodayay Qaabka Lagu Dooran Karo Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland + SAWIRRO

0
845

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xarunta xuquuqaal iinsaanka somaliland ayaa qabatay dood sharci oo ku saabsan sida lagu soo dooran karo xildhibaanada golaha guurtida somaliland.

 

Doodan oo ay ka qayb galeen dad badan oo aqoon u leh dhinaca shuruucda ayaa waxa si weyn loogu falan qeeyey qaabka lagu keeno karo xildhibaanada golaha guurtida somaliland haddii doorasho la galayo iyo haddii la soo xulayaba.

7-1

Gudoomiyaha Xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland Guuleed Axmed Jaamac oo ka hadlay kulanka ayaa ka waramay ujeedada ay ka leeyihiin inay qabtaan kulankan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Ujeedada ugu muhiimsan ee aanu kulankan u qabanay waxa weeyaan sida aad ogtihiin golaha guurtida oo sanadkii  1997-kii Shirkii Boorama   wixii ka danbeeyey  aanu wax isbadal ahi ku iman xubnihiisa marka laga reebo wixii dhintay iyo cidii iskaga  tagtay, waxaanay noola muuqatay inaanay dimuqraadiyadu ku wanaagsanayn in gole iska fadhiyo ee ay tahay inuu si uun u noqdo gole dadku dirtay, markaa hada iyada doorashada wakiilada loo taag la yahay tii madaxweynuhu soo socoto lagana yaabo in doorashadii golaha deegaanku timaado , lagana yaabo inaanay suura gal ahayn in maanta xeer la sameeyo  ama labada sano iyo sadexda sano ee soo socda,  laakiin sanadkii 2005-tii markii doorashada golaha wakiiladu dhacday haddii la bilaabi lahaa dooda ku saabsan golaha wakiilada maxaynu ka yeelnaa maanta oo aynu jooogno  2016 xal ayeynu u  heli lahayn, murankan laysku riix riixayaana muu jireen, markaa si aanay taasi u iman maalinta ay suurta gal noqoto  in xeer la sameeyo in shacabku ka sii doodo oo dadka akhyaarta ah ee khibrada u leh ka sheekaysateen horta golaheenu sidee ayuu u eekaanayaa, ma cod toos ayeynu ku dooranaa miyeynu xulanaa, odoyada ma dad kale ayaa inoo soo xula  maxaa inoo xal ah, inay sheekadaasi sii bilaabanto ayey ujeedadayadu tahay, in  go,aan lagu gaadho  ama xeer ka soo baxana ujeedayadu maaha.”

 

Gudoomiye Guuleed ayaa intaas raaciyey “ dooduna waxay tahay Xulasho iyo Doorasho iyamay ku haboon tahay in lagu keeno xildhibaanada golaha guurtidu waana doodo mudo soo jiitamayey oo is diidan.”

2-56

Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cabdi Daa,uud oo isaguna ka hadlay kulankan dooda ah ayaa ka waramay sida ay ula muuqato in lagu keeno karoxildhibaanada golaha guurtida somaliland waxaanu yidhi “ Waxaynu ka hadlaynaa waa sidii ay ku iman lahaayeen xildhibaanada golaha guurtida, maantana waxa asalkii golaha guurtida ka soo jeeda 11 xildhibaan, waxaana maqan 71 xubnood kuligoodna may dhiman laakiin qaar ayaa is badalay oo reerku badashay, dhimashaduna dhinac ayey ka jirtaa, waxaana  la dabaqay waxyaabo aan sharcigeena ku jirin kuwaas oo iska noqday wax mar dhacay oo dabadeedna hir galay, waxaana inagu curtay in lays dhaxlo kaas oo aan ku jirin shuruucdeena,  marka aynu maanta leenahay xildhibaanada golaha guurtida miyaa la soo dooranayaa misa waa la soo magacaabayaa,  hadii aynu cawajka ka eegno oo aynu nidhaahno waa la soo magacaabayaa su,aashu waxay tahay  yaa soo magacaabaya, haddii taas la yidhaahdana waxay noqonaysaa in dhibaato lagala kulmo, waxaanan u arkaa inay jabinayso qodobada shuruucdeena.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Daa,uud

5-15

Sidoo kale agaasimaha xarunta CPA(Center For Policy Analysis) Hibaaq Gamuute oo iyaduna ka hadashay kulankan dooda ah ayaa sheegtay inaanay dumarkani dani ugu jirin qaab kasta oo lagu keeno xildhibaanada golaha guurtida waxaanay tidhi ““Haddii la soo xulo xildhibaanada golaha guurtida waxaan qabaa inaanay marnaba dumarku qayb ka noqonayn  dadka la soo xulayo sababtu waxa weeyaan cida wax soo xulaysa ee mar walba dib loogu noqonayaa waa qabiilada, qabiilkana wax door ah oo ay dumarku ku leeyihiin ma jirto cida soo xulaysaana waa rag goobta lagu soo xulayaana waa goob aan dumarka u saamaxayn inay joogaan, markaa maadaama oo ay sidaas tahay meeshana qabiil lagu imanayo qabiil walbana dantiisa ilaashanayo taasi waxay keenaysaa in qabiil walba ragii uu keeni jiray keeno waayo waxay dumarka u arkayaan inaanay waxba u soo kordhinayn reerahooda.”

6-1 33

Sidoo kale Hibaaq Gamuute Oo Ka hadlaysa saamaynta dumarka ay ku yeelanayso haddii la soo doorto xildhibaanada Guurida ayaa waxay tidhi “Haddii la soo dooranayo  xildhibaanada golaha guurtida waa in doorashadu noqoto mid  xor ah oo xalaal ah oo qofka lagu doortay shuruudihii looga baahnaa, hase ahaatee  taas way ka duwan tahay waxaanan aaminsanahay in doorashada aynu hada isticmaalaynaa ay iska tahay xulidii oo yar reer magaalaysan sababta oo ah reerihii ayuunbaa keensanaya qofka la dooranayo oo xisbiga u keenaya , xisbiguna uu sharaxdo qaabkaasina maaha mid dumarka u suura galinaya inay qayb ka noqdaan golaha guurtida waayo dumarka reerba  ma keenayo, waxaanan  ku soo koobayaa marka la eego doorashada iyo xulida inaanay midina dan u ahay dumarka.”

 

Sidoo kale waxa kulankan dooda  ah ka hadlay qaar ka mid ah dadkii ka soo qayb galay kuwaas oo dhamaantood ka waramay sida ay la tahay in lagu keeno xildhibaanada golaha guurtida somaliland ee soo socda.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here