Xarunta Daryeelka Hariima-cadka Oo Somaliland Laga Hirgeliyay

0
649

Hargeysa (HP): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa galabta daahfuray Xarunta xannaanaynta iyo daryeelka Xayawaanka Hari-macadka.

Munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miiga ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay qaar ka mida golaha Wasiirrada, Agaasimayaal guud iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay muhiimada ay leedahay furitaanka xaruntan lagu daryeeli doono laguna xannaanayn doono Xayawaanka Harimacadka oo beryihii u danbeeyey ay aad u badnayd Tahriibintiisu.

Waxaanu sheegay madaxweyne ku-xigeenku inay xukuumaddu aad uga hawl gashay sidii loo hirgelin lahaa goobtan xanaanaynta xayawaanka.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu u mahad celiyey Ciidamada kala duwan ee qaranka iyo Wasaaradda Deegaanka, sida wanaagsan ee ay uga hawlgaleen ilaalinka Xayawaankaasi oo faa’iido weyn u leh dalka kana mida xayawaanada adduunka kasii dabar go’aya.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here