Xaqmaaha Xayiraada Labada Tv ee waa xasarad .

0
852

“Sharciga kii hagi lahaa

Hareer marayee ilduufay

Midkee kale ee hagaajin.

Cidina ma ogola kamana raali aha xad gudub la gaadhsiiyo qaranimada ,waana lama taabtaan wixii gef ku ah qaranka ee keenaya ama ka tagaya raad aan wacnayn reer somaliland waxay meel ka taagan yihiin wixii wax yeelaya ummadda wada noolaan shaheeda  iyo xasiloonideeda.

Milgaha iyo muunada qaranka waxa meel weyn kaga jirta muraayada layska dhex arko ee warbaahinta ama saxaafadda, somaliland intay jirtay waxay ahaayeen xukuumadihii kala danbeeyey ee so marayey kuwo mid kastaa meel ka taagan yahay mawqifna ka leeyahay warbaahinta iyago qaarkood u arkayeen inay tahay meesha kaliya ee muga iyo miisaanka ka qaadan karta muunada qaranka.

Xukuumada hadda talada dalka haysa waqtigii ay doorashada ku jirtay waxyaabihii ugu waa weynaa ee dadkii doortay u dhaxeeyey iskuna xidhaayey gaadhsiinayeyna codkooda iyo aragtidii lagu doortay waxa kow ka ahayd warbaahinta gaar ahaan tvyada ka hawl gala dalka.

Taa bedelkeeda tan iyo maalintii muuse biixi xilka qabtay waxa sii xumanayey xidhiidhka u dhaxeeya isaga iyo warbaahinta ama Telefeshinada ka hawl gala dalka waxaana xaalku noqday in xukuumadu ay go’aan ku soo saartay inay masuuliyiinta dawladu isticmaali karaan oo keliya warbaahinta dawlada,xarumaha iyo xafiisyada laamaha ee kala duwana waa ilaha ugu weyn ee warbaahinta madaxa banaan ama weriyayaashu ka helaan wararka iyo dhacdooyinka maalin laha ah taasi waxay noqotay arrin aan ku filaan qaranka,waxaana go’aanka ka muuqatay nacaybka iyo fogaynta madaxweynuhu u qabo warbaahintii shalay uu ka maarmi waayey .

Waxa dhacday in madaxweynaha somaliland la weydiiyey xidhiidhka isaga iyo warbaahinta waxa uu ku jaawaabay hadal uu ka muuqdo colaad iyo kalsooni darro ka haysata kasbashada warbaahinta madaxa banaan waxaana hadalkiisu u dhignaa sidan “Warbaahinta waxaanu nahay sidii nin iyo naagtiisa oo uu raaciyey nin iyo naagtii Colna maaha nabadna maaha” eraygaasi wuxuu ahaa mid falaadh ku ah weriyayasha una muujinaya in uu madaxweynuhu guntaday colaad aanay iyagu ogayn.

Hadaba labada tv ee wasaarada warfaafintu xidhay ee Eryal tv iyo Horyaal tv ayaa ka mid ahaa tvyada madaxa banaan ee sida weyn u ilaaliya qaranka iyo haybadiisa laakiin waxa xayiraadooda iyo xadhigooda loo maray hab aan sharciga waafaqsanayn mana aha shirkad ama meherad qof shacabi leeyahay in go’aan aan ka soo bixin maxkamad ku cadaysay fal danbiyeen ruqsada lagala noqdo,waxay tani tusaale u tahay shirkado ama warbaahin kale oo loo socdo in sidan oo kale ku dhacdo waayo waxa si toos ah looga booday sharcigii u dhexeyey ummada ku heshiisay axdiga ay dhigteen ee dastuurka ku qoran.

Dunida ma dhacdo sidan oo kale laakiin arrintani maaha mid ugub ah ee xukuumadu waxay hore u soo xidhay warbaahin madax banaan intii ay dalka haysay iyo dad kala duwan oo aragtidooda hadlay.

Hadii ay wasaarada warfaafinta iyo xukuumaduba ku sii adkaystaan arrintan oo aanay wixii dhacay dib ka sixin waxa imanaysa in shacabkuna sharciga jabiyaan ama baal maraan waayo cidii ku hagi lahayd ayaa habaabinaysa sharciga.

“Sharciga kii hagi lahaa

Hareer marayee ilduufay

Midkee kale ee hagaajin

Halkay eegayan cid kale

Iyagu hagar daamo qaran

Miyaanay halkaa ka gelin .”

Waxaan ku soo ururinayaa xukuumada maanta waxa looga fadhiya inay hirgeliso wixii lagu doortay balanqaadkiina ay fuliso ,sido kale ay wax ka qabato arrimaha ka taagan wadanka ee kala daran sida colaadaha ,tabashada ciidanka tagay ,khayraadka iyo duurjoogta dayacan iyo duruufaha ku xeeran dadka danyarta ah ee adeegii aas aasiga ahaa la daalaa dhacaya.

Badidii ayaa maqan

Shiikhii loo irkanayoow

Abaadirow soo ururi

Caashaqa ooha! Ooha!

Murti hore.

“Qaranku uma baahna qasab iyo jujuub balse wuxuu u baahan yahay kasbasho iyo karti lagu hago ummadda”.

Ilaalinta xoriyada hadalkuna waa xil saaran xukuumada iyo cidkastoo xayndaabka maamulka ku jirta.

W/Q:Maxamed Mataan Gabalaax.

LEAVE A REPLY