Xanuun Ka Dilaacay Degmada Alleybadey

0
1730

Alleybaday (Hargeisa Press)- Degmada Alleybadey oo ka tirsan gobolka Gabiley ayaa waxaa ka dilaacay xanuunka Kaneecada, iyadoona uu saamayn ku yeeshay dadka deegaankaasi.

Ugu yaraan toddobaadkii u dambeeyay labaataneeyo, Qof ayuu soo ritey xanuunka Kaneecada oo in dhawaalaba ka dilaacey deegaankaasi, kadib markii curashadii roobabka guga ee sanadkani ay soo rogeen biyo fara badan oo fadhiistay Togga, kaas oo ay ka dhalatay Kaneecadii ugu badneyd ee nooceeda ah.

Gudoomiyaha degmada Alleybadey, Cabdirisaaq Sheekh Cabdilaahi Awgaab, oo ka waramey Saameynta uu xiligan xanuunka Kaneecadu ku leeyahey, degmada Alleybadey iyo shacabka ku nool ayaa xusey in aanu wali jirrin dad u dhintey (Xanuunka Kaneecada),  haseyeeshee, uu xanuunkani soo ritey dad tira baddan oo ka mid ah shacabka Xoola-dhaqatada iyo Beeralayda deegaankaasi.

Xanuunka Kaneecadu ayaa wuxuu kamid yahey Cudurada dilaaga ah ee wakhtiyada ay aawan tahey oo ku beegan waxyar kadib curashada roobabka guga.

Degmada Alleybadey ayaa ka mid ah degmooyinka ku yaala xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya oo leh dhulbereedka looga faa’ideysto roobka, ayaa inta la ogyahay waxaa wakhtiyo hore ugu Geeriyooday Xanuunkan in ka badan 200 oo Qof.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here