Xafladii Arooska ee Madaxtooyada iyo Xabaal Dhigii Saraakiisha Oo Isku Xili Ahaa BY: CABDILAAHI JANTE

0
1013

jantaQalinyahaw midiyo iinoqo madare

Kumariimo dhiig kudhig heesta milil

Miilay qadhaadh dacar lagu margado( abwaan gaariye)

Qalinka uma qaadan in aan hadlo door siyaasi ah waayo ma ihi siyaasi madoonayo in aan been sheego waayo waxaan ahay islaam hadana kama aamusi doono waxkasta oo inagu soo biira oo aynaan dhaqan iyo hiddo midna ulahayn diin ahaana wacnayn,oo maxaa cusub

Waxay hayd 17/9/2014 markii goor maqrib ah ay soo yeedhay dhawaaq naxdin argagax iyo dhiilo wada magaalada qorilugud ayaa waxaa kadhacday dil aan ilaa hada cadeyn inta qof ee qaybta ka ahayd laakiin marka aan si sax ah ufikirno aan ka fogeyn mid lasoo qorsheeyay alle ha unaxariisto waxaa halkaa kunaf waayay saraakiil laba ahaa

Falkan galaaftey saraakiisha ayaa waxaa uu ahaa falkii ugu foosha xumaa ee dhaca ilaa inta ay Somaliland jirtey waa fal si arxan daro ah loogu abaarey madax gudanayo waajibaadkii qaranka, jooga jiida hore ee dagaalka marka aan eegno astaamaha dilkani waxaa uu ahaa mid niyad jab ku ah ciidanka aan horeba daryeelka u heysan ee tunka qorigu gooyay huray naftooda una huray dalka iyo dadka Somaliland

Hadaba akhriste ka gadaal markii uu dhacay falkani foosha xun saw may ahayn in aan maqalno madaxweyne damqanaya oo ka damqanaya dilka loo geystay saraakiishii uu dhawaan ugu taxayay darajada saw may ahayn in aan maqalno madaxweyne ay kamuuqato sida uu ugu xunyahay fal noocan ah oo lagu  fuliyay  difaaciia taasi badalkeeda waxaa uurxumada umada kureebay ayaa ahayd markii isaga oo meydkii saraakiishu yaala ciida dusheeda aan la aasin weli uu kaga mashquulay xaflad meher ee gabadh uu dhalay wxayna taasi u muuqataa odhaahdii odhanaysay (WAXAAN DOONO LAGU KARIN DAMBI UU BADH LEEYAHAY)

Akhriste hadaan idhaahdo madaxweynaha tacsida iyo tiiraanyada waxa kaga weynaadey arooska gabadhiisa marlabaadka in amar madaxweyne dil iyo dhaawac loogu geysto dad barordiiq kujira saw noqon mayso waxan cidina jawaab uheynin tallow ar ayaan is lahaa ma cadaawd horaa jirtay ma aargoosi aya jira ma dalkan ayaa larabaa in la baabiiyo jawaabta waxay utaaala raga doobinayaa ee midida daankeeeda haya

Waxaan kusoo gabagabeya mudane madaweyne waxaa xidhey iskoor aan weli hore loo xidhin.

 

By: Cabdilaahi Maxamuud jante

Email:geedbaladh44@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here