Xafladda Daah-furka Shirkadda LABBIS + SAWIRRO

0
1912

Hargeysa,(HargeisaPress) –Magaalada ISTANBUL ee dalka TURKEY ayaa lagu qabtay Xaflad lagu daah-furayay Shirkadda Dharka ee LABBIS.

Xafladda daah-furka Shirkadda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin, ganacsato, arday iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida dalka Turkey.

Shirkadda LABBIS ayaa si gaar ah xoogga u saari doonta sameynta, nashqadeynta iyo soo saarista dhar tayo wanaagsan oo ay ku qanci doonaan macaamiisha Shirkadda.

Waxaa xusid mudan in Shirkadda LABBIS ay si wadajir ah u leeyihiin ganacsato Soomaali ah iyo kuwo u dhashay dalka Turkey.

Shirkadda LABBIS waxa ay sidoo kale xarumo ganacsi ku yeelan doontaa wadamo kala duwan oo ku yaala Qaaradaha kala gedisan ee Adduunka. Insha’Allah.

Daawo Sawiradda Xafladda

Wixii faah-faahin dheeri ah kala soco:

Facebook: LABBIS
Instagram: Labbisofficial
Website: www.labbisonline.com

HargeisaPress News Desk — i̇stanbul 

LEAVE A REPLY