Xaaladda Somaliland Ay Marayso Maanta? By: Mubaarik Bidhi

0
1298

Dawladi waa tii dhaqaalaha fur-furta, isla markaana suuqa ganacsiga xortga ah dhiir gelisa. Hase yeeshee, maanta dhaq-dhaqaaqii ganacsigu wuu taagan yahay oo dad gaar ah ayaa loo xidhay ganacsigii.

Tusaale ahaan diyaaradihii dalka iman jiray FLY Dubai iyo Al-carrabiya iyo shiidaalkii ganacsatadu keeni jirtay ayaa ka mid ah kuwa Ooda loo rogay, ama lagula wareegay sifo aan qumanayn, sharcigana aan waafaqsanayn.

Dhinaca kale waxaa sii baaba’aysa haybadii dawladnimo iyo qarannimo, iyadoo aad arkaysid in dhalinyaro madaxweynaha reerkiisa ka soo jeedda oo aan wax xilal ah haynin, oo hadana masuuliyiin sar sare oo xukuumadda ka tirsan amar siinaya.

Iyagoo isticmaalaya shaadhka madaxweynaha, marar badan oo kale, waxaynu aragnaa wiilasha madaxweynuhu dhalay oo dad shacab ah hagar-daamaynaya, markay doonaana iska xidhanaya.

Iyagoo wax sharci ah aan u maraynin, taasina waa wixii aan Siyaad Barre, ka diidnay, kuna samaysantay jabhadii SNM.

Docda kale, marka la eego dhankii xisbiga, xisbiga Kulmiye wuxuu ahaa xisbi balaadhan oo ay ku jiraan kooxo kala fikir ah, balse isku hadaf ah oo ku midaysan guusha xisbiga xisbiga Kulmiye.

Waana ta keentay in Kulmiye uu ku guulaysto doorashooyinkii dalka soo maray oo dhan, sida laba gole deegaan, mid baarlamaan laba doorasho madaxtooyo, oo ay ugu danbaysay tii sanadkii 2017-kii, oo Muuse Biixi ku madaxweynaha Somaliland.

Guushaa waxaa hormood u ahaa, dadka kala fikirka ahaana isku waday aasaasihii xisbiga Kulmiye, ahaana madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.

Maanta se, xisbigii Kulmiye waxaa la wareegay hal koox oo heshiis ku ah la dagaalanka madaxweynihii hore ahaana guddoomiyihii Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo aasaaseyaashii xisbiga Kulmiye iyo taageereyaashoodii.

Xaalad bini’aadannimo oo isugu jirta mid caafimaad darro, mid biyo la’aaneed, iyo mid Baad la’aaneed ayaa si weyn u halakaysay deegaamadda Somaliland, aafadda ugu darani waa tan Covid-19, ee sida ba’an u naafaysay deegaamadda Barriga Somaliland.

Sababtayna inuu isku-duwihii wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Aadan Casayr, iskaga casilay xilkiisii, kadib markii uu damiiriyan xamili waayay sida ay dadkiisii ugu hoobanayaan iyo gaabiska xukuumadii uu ka tirsanaa ku waajahday la tacaalida dhibkan caafimaad darro  ee dadkiisii haleelay.

Gebagebadii, arrimahan iyo qaar kaloo badan oo aanan halkan ku xusini waxay tusaale u yihiin sida shacabku hungo uga joogo waxtarka dawladnimo iyo tan maamul ee hogaamiyihii ay doorteen afar sanno ka hor uu isugu rogay hogaamiye qoys iyo kaabe-qabiil aan lahayn wax aragti qaran ah.

Ayna haatan taagan tahay wakhtigii ay dadku dib u tashan lahaayeen ee ay masiirkoodda danbe wax isaga waydiin lahaayeen.

Sawiirkaasi waa mid ka mida olaalihi magaaladu waa shashcade.

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf(Bidhi)

Asaasayashi Xisbiga Kulmiye.

 

 

LEAVE A REPLY