Xaalad Kale oo Ka Soo Cusboonaatay Magaalada Beirut 

0
1113

Beirut (Hargeisa Press)- Magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lubnaan ayaa gashay xaalad horleh kadib markii dad cadhaysan ay dhigeen dibadbaxyo lagaga soo horjeedo dowladda dalkaas.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa lagu eedeeyay in ayna si wanaagsan u maaraynin musiibadii dhacday.

Waxaa wadooyinka waaweyn ee magaalada oo ay kamid yihiin kuwa gala dhismaha baarlamaanka la dhigay ciidamo, kuwaa oo suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dad ka cadhaysayn ficilada dowladda.

Dadka ayaa ka cadhaysan qaraxyadii waaweynaa ee dhacay maalintii Salaasada, kuwaa oo saraakiisha dalkaas ay sheegeen in uu ka dhashay 2,750 tan oo maadada ammonium nitrate oo si aan wanaagsanayn ugu keydsanaa bakhaar ku yaala dekedda tan iyo sanadkii 2013-ka.

Dad badan oo reer Lubnaan waxay aaminsan yihiin dayac dhanka dowladda ay sabab u ahayd qaraxyadii ay ku dhiteen 137 qof halka shan kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maalinta Axadda ayaa lagu wadaa in dalkaas ay ka dhacaan dibadbaxyo ballaadhan oo lagaga soo horjeedo dowladda, waxaase aan la ogeyn sida dibadbaxayadan ay uga sii dari karaan xaaladda Lubnaan oo haatan la daala-dhacaysa waxyeeladii qaraxyadii dhacay, dhibaato dhaqaale iyo sameynta feyraska corona.

Qaraxyadii dhacay ayaa burburiyay guryo badan oo ku yaallay caasimadda waxaana ku guri beelay dad lagu qiyaasay 250 kun oo qof. Dad badan ayaa wali la’ yahay, kuwaas oo qaar kamid ah la aaminsan yahay inay ku hoos xaniban yihiin dhismayaashii burburay.

LEAVE A REPLY