Xaalad Biyo La’aaneed Oo Ka Taagan Gobolka Togdheer iyo Badhasaabka Oo Qaylo Dhaan Diray

0
1163

Burco (Hargeisa Press.com): Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Cabdi Maxamed, ayaa walaac ka muujiyay xaalad abaar iyo biyo la’aaneed oo  soo waajahday  degaamo badan oo ka tirsan gobolkaasi.

Waxaanu sheegay badhasaabku in dad iyo duunyaba degaamadda gobolka Togdheer xaalad  adag ay soo food-saartay,  taasoo ay ugu sii daran tahay dhinaca biyo la’aanta oo u baahan in deg deg wax looga qabto.

Xamse Cabdi Maxamed, waxa uu tilmaamay in bishii January ay isugu yeedheen dhamaanba hay’adaha ka hawl gala gobolka, isla markaana ku wargeliyeen xaaladda abaarta iyo biyo la’aanta ee bulshadda soo waajahday.

Hase yeeshee, waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in ilaa hadda aanay wax jawaaba ka helin hay’adihii ay arrintaasi kala Shireen.

“Xaalad biyo la’aaneed oo daran ayaa gobolkan Togdheer soo waajahday. Laga soo bilaabo bishii January ilaa imika, maalinba maalinta ka sii danbaysa way ka soo daraysaa xaaladu.

11-kii bishii January waxaanu isugu yeedhnay dhamaanba hay’adaha ka hawl gala gobolka, oo aanu ku wargelinay in biyo la’aan ay ka jirto gobolka, oo u baahan in wax laga qabto.

Ilaa hadda wax jawaab ah oo aanu helnay waxaa jirta hay’adda barakaceyaasha iyo qoxoontiga ee Somaliland.

Taasoo hay’adda NRC ay 15 booyadood oo biyo ah, oo ay ugu tallo gashay degaanka Gebagebo oo ay ku wareejiyeen moojee, ilaa hadda wax jawaaba oo aanu ka helnay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba ma jirto.

Runtii arrintaasi waa arrin aan aad iyo aad uga xumahay, muddo laba bilood ah in aan wax jawaaba ka weyno hay’adaha” ayuu yidhi badhasaabka oo maanta u waramay ERYAL TV.

Geesta kale badhasaabka Togdheer waxa uu baaq qaylo dhaana u diray hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah iyo ganacsatadda waaweyn ee Somaliland in ay ka qayb qaataan sidii dadka biyo la’aantu haysato wax  looga qaban lahaa.

Inkastoo aanay ilaa hadda jirin cid biyo la’aan u dhimatay oo laga soo sheegay degaamadda hoos yimaadda gobolka Togdheer.

Waxaanu yidhi “Ilaa hadda ma jiraan meello gobolka Togdheer ka mida oo la soo sheegay in dad ay biyo la’aan u dhinteen. Laakiin, maalina maalinta ka danbaysa xaaladu way ka sii daraysaa.

cid kastoo arrintaa wax ka qaban karta, haddii ay tahay hay’adaha caalamiga ah, hay’adaha khayriga ah, kuwa maxaliga ah iyo  ganacsatadeena waaweyn, cid waliba in ay ka qayb qaadato gurmadka biyo dhaamiska ah, ee gobolku u baahan yahay, waa in ay ka soo qayb qaataan.”

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here