Xaaji Cabdi Waraabe : Laba Madaxweyne iyo Laba dhacdo oo aan marag ka ahaa.

0
1330

Hargeysa – Allah ha u naxariistee Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf Cabdi-Waraabe, waxa uu ahaa shaqsi qaranka Somaliland qiimo weyn ku leh, maanta ayuu god galay oo Allaystay. waxaan jecelaystay in aan xuso laba dhacdo oo aan goobjoog u ahaa kuwaas oo sawir kooban ka bixinaya qiimihii uu bulshada ku dhex lahaa iyo ixtiraamkii ay madaxweyneyaasha Somaliland u hayeen Xaaji Cabdi. Waa laba dhacdo oo dhex martay mar Xaaji Cabdi iyo Madaxweyne Siilaanyo, marna Xaaji Cabdi iyo Madaxweyne Biixi.

Dhacdada hore ayaa dhacday 01/11/2017-ka, goobtu waa Madaxtooyada Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo ayaa kulan la qaadanaya ganacsatada, culimada iyo madax dhaqameedka dalka. Kulanku wuxuu daarranaa
u diyaar garowga doorashada Madaxwetinimo ee 13/11/2017 dhici doonta. Goobta waxa joogay labeentii dalka iyo masuuliyiin dawladda ah, waxa xubnaha ka mida Xildhibaan X. Cabdikariim Xuseen waxa uu dhinac fadhiyaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo, dhinaca kale waxa ka fadhiya Madaxweyne ku-xigeen Cabdiraxmaan Saylici.

Miis ayaa masuuliyiinta hor yaalla Cunto iyo biyo ayaa saaran, balse miisku waa uu ka durugsan yahay. Xaaji Cabdi ayaa doonay in loo soo dhaweeyo miiska, ka dibna Madaxweyne ku xigeen Saylici ayaa ii gacan haadiyey maadama oo aan dadka ugu da’ yar ee meesha joogay ku jiray kana mid ahaa hawlwadeennada Madaxtooyada Shirku ka dhacayeyee martida loo ahaa. “Xaajiga miiska u soo dhawee.” ayuu I yidhi Madaxweyne Xigeen Saylici. Markii aan holladay ee miiskii u durkinayo xaajiga, ayuu haddana Madaxweyne Siilaanyo yidhi “Adeer xaajiga biyo u shub”. Markii aan biyo caagad miiska saarnayd koob ugu shubay, intii aanan qaadin ayuu madaxweyne Siilaanyo intuu soo holoday/tiigsaday oo koobkii qaaday una dhiibay Xaajiga. Muuqaalkaa madaxweynaha oo ixtiraam ahaan xaajiga biyaha u dhigayaa madal labeentii bulshadu fadhiso wuxuu ahaa muujin uu noo muujinayey qiimaha Xaajigu ummadda madax iyo shacab u lahaa.

Dhacdada labaadna waxa ay ahayd 21/11/2017, waa guriga Musharaxii xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isla galabtaas loogu dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaannu ku sugannahay xafiiska Madaxweynaha la doortay oo markaa isu diyaarinaya inuu qabto shirkiisii jaraa’id ee u horreeyey. Mudane Biixi ayaa Telefoon loo soo diray waxanna loo sheegay in Xaaji Cabdi uu salaam iyo hambalyo ugu imid isla markaana ku suganyahay barxadda gaadhi barxadda xafiiska jooga. Madaxweynaha la doorta baa ku yidhi ciddii taleefanka u soo dirtay “ Xaajiga ha soo dajinina anaa u soo baxayee.” Kolkaasuu nagu yidhi Cabdi Waraabe ayaa dibadda ii taagan, waanu baxay. Aniga iyo dhawr qof oo hawladeennadiisa ahina waannu ka soo daba baxnay. Waa Xaajigii oo shidhka u saaran gaadhi ku wado Taliye Ina Cambaro (Taliyii hore ee laanta Socdaalka JSL), ka dibna Madaxweyne Muuse ayaa daaqada hore oo xaajigu fadhiyey iska furay oo inta uu ku foorarsaday gacanta u diibay kuna yidhi “Xaaji maxaa isu soo dhibtay Anigaa kuu iman lahaaye.” Kolkaas ayuu Xaaji Cabdi waraabe ugu jawaabay “ Madaxweyne waxaan kuugu imid inaan kuu hambalyeeyo kuuna duceeyo, ee Allah xilka ha kugu asturo.” Kolkaas ayuu Madaxweyne Biixi Madaxa ka dunkaday oo yidhi “ Aad baad u mahad-san tahay Xaaji.”

Anigu waxaan soo taaganahay daaqada kale waxaanan nasiib u yeeshay inaan sawir ka qaado, dhacdaada taairiikhiga ah.

Xaaji Cabdikariim Xuseen waxa uu la soo shaqeeyey Madaxweynayaal Soomaaliyeed iyo kuwo Somaliland ba ah, wuxuu ku caan ahaa nin hal-adag, oo madaxda runta u sheega kolka uu la joogana aan hadalka kala gaban, kolka uu ka imaadana difaaca oo muxaafid ah, waxa hubaal ah in uu ahaa shaqsi Ixtiraam weyn ay Madaxweynayaashu u ahayeen, wada-shaqayn iyo saaxiibtinimo xeel-dheerina ka dhaxaysay.

Labadan qiso ee aan soo sheegay waa kuwa ugu sahlan ama ugu fudud ee sawir ka bixinaya qiimaha xaajigu Madaxda sare ee dalka agtooda uu ku lahaa. Allah u u naxariisto, Janadiisa fardowana ha ugu deeqo.

Saddam Mohamed
10-May-2019
Hargeisa

LEAVE A REPLY