Wiil Dhallinyaro ah oo beed Madaxa Kaga Dhuftay Xildhibaan si Jees-jees ah Uga Hadlay Weerarkii Lagu Dilay Muslimiinta Badan

0
1575

Hargeysa,(HargeisaPress)—Wiil dhallinyaro ah ayaa xabbad beed ah madaxa kaga dhuftay xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalka Australia oo lagu magacaabo Senator Fraser Anning, kaasoo ku gudo jiray shir jaraa’id oo uu si jees-jees iyo ku-digasho ah ugaga hadlay muslimiinta badan ee lagu dilay masjid ku yaal waddanka New Zealand maalintii Jimcaha.

Ninkan xildhibaanka ah oo ka mid ah dadka cunsuriyiinta ah ee muslim-nacaybku madax maray, ayaa shirkiisa jaraa’id ee uu qabtay isla maalintii Jimcaha waxa uu ku sheegay, kuna dooday in bulshada muslimiintu yihiin dadka qaxooti ah oo dambiyo badan gaysta, isla markaana fuliya weeraro argagixiso, isagoo xusay in weerarkii lagu qaaday masjidka ku yaal New Zealand uu ahaa mid ka dhashay sida uu hadalka u dhigay; ‘dambiyada ay dadka muslimiinta ah fuliyaan oo abaalkoodii laga marinayo.’

Hasayeeshee, xildhibaankan cunsuriga ah oo ku dhex jira hadalkiisan xambaarsan cunsuriyadda iyo islaam-nacaybka, ayaa waxa kaga dambe kaga yimi wiil dhallinyaro ah oo lagu sheegay inuu yahay 17 sanno jir, kaasoo xabbad beed ah madaxa kaga bururiyey, waxaannu falkaasi sababay in xildhibaanku joojiyo hadalkiisa, kadibna uu laba jeer madaxa ka feedhay wiilkii yaraa, waxaanna markiiba ninkan xildhibaanka ah oo aad u cadhaysan qabtay rag meesha joogay oo u muuqday inay ka tirsan ciidanka ilaalada ammaanka dalka Australia, kuwaasoo ka hor tegay inuu waxyeelo gaadhsiiyo wiilka yar ee beedka ku dhuftay.

Hadalka ka soo baxay ninkan xildhibaanka ah, ayaa si xooggan looga cambaareeyey gudaha dalka Australiya iyo meelo badan oo caalamka ah, iyadoo Ra’iisal-wasaaraha Australiya Mr. Scott Morrison oo saxaafadda la hadlay Sabtidii , ayaa ku dhawaaqay inay mooshin ka dhan ah ninkan xildhibaanka ah u gudbin doonaan baarlamanka dalkiisa, si looga qaado tallaabada ku habboon, iyadoo uu Ra’iisal-wasaaruhu sheegay in hadalkan ka soo yeedhay xildhibaanku uu yahay mid ka baxsan anshaxa, loona dul-qaadan doonin in qof muwaadin shicib ah hadalkaas oo kale ku hadlo, iskaba dhaaf masuul qaran oo xubin ka ah baarlamanka Australiya.

 

Geesta kale, Ciidanka Booliska, ayaa sheegay in wiilka dhallinyarada ah oo la xidhay markii uu beedka ku dhuftay ninka xildhibaanka ah, hadda dib loogu celiyey xoriyaddiisa, iyadoo aan wax dambi ah lagu soo oogin, waxaanna muuqata in wiilkan yari oo shacbiyad badan kasbaday, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyey muqaal laga duubay markii uu beedka ku dhuftay xildhibaanka cunsuriga ah.

 

Waxa baraha bulshada si xooggan loogu faafiyey qoraallo lagu ammaanayo wiilka yar, laguna sifeeyey inuu yahay gees da’yar oo u hiiliyey bani’aadanimada iyo isdhexgalka bulshooyinka caalamka, waxaanna baraha bulshada laga sameeyey bogag (pages) dhaqaale loogu ururinayo wiilka yar si lacagtaas uu iskaga difaaco haddii wax dambiyo ah lagu soo oogo, sidoo kalena uu ku soo iibsado beed badan.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

Hargeisapress@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here