WHO oo ka digeysa in Afrika ay noqon karto halka xigta ee xudunta u noqon doonto Covid-19

0
716

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digeysa in Afrika ay noqon karto halka xigta ee xudunta u noqon doonto xanuunka saf-marka ah Covid-19.

Qaaradda ayaa waxaa sare u sii kacaysay tirada dadka uu soo ridnayay fayraskan toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo laga xaqiijiyay 17,500 oo kiis iyo 900 oo dhimasha ah.

Xanuunkan ayaa waxaa horay xuddun u noqday waddamo dhawr ah oo uu kow ka yahay Shiinaha oo ahayd halkii uu ka soo bilowday coronavirus waxaana naftooda ku waayay in ka badan 4,600 oo qof.

Talyaaniga ayaa xigay oo uu fayraskan ku dul habsaday kaasi oo noqday dalka labaad ee ugu dhimashada badan dunida isagoo ay ku dhinteen dad ka badan labaan kun oo qof.

Kaddibna Spain ayuu fariisimo ka sameystay waxaana ku dhintay dad kor u dhaafaya 10-kun oo qof.

Mareykanka oo ka mid ah dalalka quwadaha sheegta ayuu aad u halakeeyay, halkaas oo ay ku dhniteen tirada ugu badan adduunka ee fayraska. 33,500 ayna kor u dhaaftay dhimashada dalkaasi.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here