WHO oo ka digay in Coronavirus uu ku faafayo dunida oo dhan

0
707

Hargeisa–Ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digay in cudurka Coronavirus uu ku faafi karo caalamka oo dhan.

Digniinta WHO ayaa timid ayada oo Jimcaha ay sare u kacday cabsida faafitaan ee cudurka kadib markii shan dal oo hor leh ay shaaca ka qaadeen inuu soo gaaray.

“Faafitaanka waa uu sii ballaaranayaa,” waxaa sidaas yiri afhayeenka WHO, Christian Lindmeier oo shir jaraa’id ku qabtay Geneva.

“Fursadda cudurka uu ku gaari karo dalal badan, haddiiba uusan gaarin dhammaan dalalka caalamka, waa arrin aan aad isha ugu hayno.”

Dalalka Nigeria, Estonia, Denmark, Netherlands iyo Lithuania ayaa maanta shaaciyey in kiisas cudurka ah laga helay, sida uu sheegay Lindmeier.

Dhammaan dalalkan ayaa sheegay inay xiriir safar la lahaayeen dalka Talyaaniga oo cudurka uu si xooggan ugu faafayo.

Talyaaniga ayaa waxaa cudurkan ugu dhintay 17 qof, halka uu saameeyey 655 qof.

China ayaa maanta werisay 327 kiis oo cudurka ah, taasi oo ah tiradii ugu yareyd tan iyo 23-kii Janaayo, waxayna tirada guud ee dadka cudurka uu ku dhacay ka dhigeysaa 78,800 qof, oo 2,800 oo qof oo ka mid ah ay ku dhinteen.

75% kiisaska cusub ee cudurka ah ee la diiwaan-gelinayo ayaa ah meel ka baxsan Shiinaha.

Dalalka Iran, Talyaaniga iyo Korea-da Koonfureed ayaa ah kuwa ugu darran ee cudurka uu saameeyey, marka laga yimaado Shiinaha.

Madaxa barnaamijka marxaladda deg degga ah ee WHO, Dr Mike Ryan ayaa sheegay in faafitaanka cudurka ee Iran laga yaabo inay ka darran sida la moodo.

Iran ayaa waxaa cudurka ugu dhintay dadka ugu badan kadib Shiinaha – Waxaa dhintay 34 ka mid ah 388 kiis oo la weriyey.

Dhinaca kale, suuqyada saamiyada caalamka ayaa si xooggan hoos ugu dhacay, waxaana toddobaadkan uu noqday kii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008, kadib xasaraddii dhaqaale ee caalamka ka dhacday.

Qiyaastii 5 trillion oo dollar ayaa ka lumay dhaqaalaha dunida toddobaadkan gudihiisa.

REUTERS

LEAVE A REPLY