Weriye Basaas Uu Ahaan Jiray MOSSAD Oo Dhexgalay Akhwaan Muslimiinta, Muddana Ahaa Sheekh Ay Ixtiraamaan

0
1581
Tsvika Yehezkeli

Qudus , (HargeisaPress) —Kanaalka tobnaad ee talefishanka Israa’iil ayaa baahiyey muuqaal xayeysiiska barnaamij ku saabsan ururka Akhwaanul Muslimiinta oo uu diyaariyey saxafi Yuhuudi ah oo inta uu isu ekeysiiyey muslim, sheegtay in uu yahay sheekh ka tirsan Akhwaanul Muslimiinka, taas oo u fududaysay in uu dhexgalo ururka iyo shaqooyinkiisa kala duwan gaar ahaan dalalka reer galbeedka.

Muuqaalkan ayaa laga arkay weriye Tsvika Yehezkeli oo isaga dabqaadaya masaajid ku yaalla Maraykanka, Turkiga, Jarmalka iyo Faransiiska, taas oo ay qayb ka ah dadaal uu ku doonayey in uu dhexgalo waxa uu ugu yeedhay, “Dunida jihaadka xasiloon” oo uu uga jeedo dadaallada curinta dawlad Islaamiya oo aan qori caaradii ku iman oo ay ururro badan oo Islaami ahi wadeen muddooyinkii u dambeeyey.

Weriye Tsvika oo muuqaal wadaad muslim ah isu yeelay isla markaana samaystay waraaqo cusub oo dhalasho iyo baasaboor sheegayai n uu Suuriya ka soo jeedo, ayaa mararka qaarkood lacag qaadhaan ah u ururinayey ururro iyo kooxo Islaamiyiin ah, isla markaana dhalinyarada ku dhiirrigelinaya in ay ururradaas ku biiraan.

Weriyahan ayaa sida ay warbaahinta Israa’iil sheegtay waxa uu sitay kamarado kuwa sirdoonka ah oo aad u tayo sarreeya, kuwaas oo uu ku dhejiyey badhamada dharka uu xidhan yahay iyo muraayaddiisa qorraxda. Waxa aanu ku guulaystay in mukhalasiin joogta dalka Turkigu ay u soo saaraan baasaboorka dalka Suuriya, isaga oo sida oo kalana helay baasaboorka Falastiiniyiinta.

Weriye Tsvika intii aanu hawshan u bixin waxaa tababarro aad u heersarreeya sii siiyey wakaaladaha sirdoonka Yuhuudda ee Shaabaak, iyo MOSSAD, taas ayaana u fududaysay in aan laga garan isbeddelka uu ku sameeyey muuqaalkiisa iyo la qabsiga cidda cusub ee uu sheeganayo.

Barnaamijkan oo uu Tsvika u bixiyey, ‘Aqoonsi been abuur ah’ waxa uu ka kooban yahay shan qaybood. Kanaalka Afaraad ee talefishanka Israa’iil ayaana ballanqaaday in uu maalmaha soo socda bilaabi doono barnaamijkan aadka loo wada sugayo.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa intaas ku daray in weriye Tsvika waa Yuhuudi ka mid ah Yuhuudda lagu deegaameeyey dhulka Falastiiniyiinta, gar ahaan degaanka Joosh Citsiyoon oo ku taalla daanta galbeed ee ismaamulka Falastiiniyiinta, waxa aanu hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Israa’iil. Tsvika sannadihii u dambeeyey waxa uu soo saaray barnaamijyo taxane ah oo uu sida kan hadda oo kale uga soo diyaariyey Islaamka iyo muslimiinta Yurub, iyo weliba ururka DAACISH, isaga oo qaabkan oo kale inta uu hadba cidda uu barnaamijka ka samaynayo inta uu isu ekeysiiyo, dhexgelayey muddana la shaqaynayey.

Geeska

LEAVE A REPLY