Weftigii Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ka koobna oo dalka Dib ugu soo Noqday, Kana Warbixiyey Safarka ay Kenya ugu maqnaayeen

0
1057

Hargeysa:25/05/2019 (HargeisaPress) -Wefti ballaadhan oo ka kooban xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo maalmahan safar shaqo ugu maqnaa dalka Kiiniya, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxana ay ka war-bixiyeen kulammo muhiim ah oo ay la qaateen xubno sarsare oo katirsan xukuumadda iyo Goleyaasha kala duwan ee dalka Kiiniya iyo saraakiisha ka kala socota beesha caalamka.

Weftigan oo ka kooban xubno kamid ah hoggaanka sare ee xisbiyada UCID iyo KULMIYE, islamarkaana ay kamid yihiin, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere, Wasiirkii hore ee maaliyadda, Mudane Cabdicasiisa Maxamed Samaale oo katirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, murrashaxii jagada madaxweyne-ku-xigeen ee xisbiga UCID, Prof. Axmed Cabdi Abyan, ayaa waxa garoonka Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey saraakiil katirsan xisbiyada UCID iyo KULMIYE, waxana ay saxaafadda uga warbixiyeen kulamo ku qaateen dalka Kiiniya oo ay kaga hadleen danaha qaranka Somaliland iyo sidii loosii wadi lahaa geeddi-socodka doorashooyinka dalka ka qorshaysan.

 

LEAVE A REPLY