Weftigii Wasiirada Ee Nabadeynta U Jooga Gobolka Sool oo Kulan La Qaatey Gudida Nabadgelyada Gobolka

0
1281
Wasiirro nabadeyn u tegay Sool
Wasiirro nabadeyn u tegay Sool

Laascaanood (Hargeisa Press) – Xubno kamida golaha Wasiirrada Somaliland, oo booqasho howlo nabadeyn ah u joogga gobolka Sool, halkaasoo ay u tageen xalinta shaqaaqo laba beelood ku dhex martay Deegaanka Adhi-cadeeye, ayaa maanta kulan la qaatay gudida nabad geliyada gobolka Sool.

Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, ayaa waxa ku wehelinaya Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Wasiirka Cadaallada, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo xubno kale.

Weftigan ayaa kulan xaqiiqo raadin ah kula yeeshay xarunta Maamulka Gobolka Sool, Badhasaabka iyo Saraakiisha kale ee Hay’addaha nabad-gelyada gobolkaasi, kuwaasoo uga warbixiyey xaalada nabad-gelyo iyo horumar ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here