Weftigii uu hoggaaminayay Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE oo Booqday Cusbitaalka Guud ee Burco Deeq Lacageed oo dhan 70,000$ oo Taakulo ahna ku Wareejiya + SAWIRRO

0
1227

Burco, (HargeisaPress) —Weftiga uu hoggaaminayay Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay ka mid yihiin Wasiiro ka tirsan Xukumada ayaa maanta booqday goobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Cusbitaalka guud ee magaalada Burco, Xabsiga Magaalada Burco iyo goobta uu ka socdo dhismaha Xabsiga Cusub ee Burco.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa ugu horeynba kormeeray Xabsigii hore ee magaalada Burco oo ay ku jireen Maxaabiis koobani, Waxaana ay warbixin ka dhagaysteen Taliyaha Xabsiga Burco oo sheegay in Maxaabiistii uu soo ritay cudurka shuban biyoodku ay intoodii badnayd ka kaceen xanuunkaasi marka laba reebo 11 maxbuus oo ay weli daaweyntu u socoto.

Guddoomiyaha iyo Weftigiisa ayaa sidoo kale kormeeray dhismaha Xabsiga Cusub ee Burco oo gabagabo ku dhow, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada oo ka mid ah Weftiga ayaa sheegay inay Xukumad ahaan dhamaystirayaan Xabsiga Cusub ee Burco oo lagu talogalay ilaaliyo maxaabiis aad u tirobadan waxaanu yidhi “Mashruucan xabisga dhaxe ee magaalda Burco oo ah halkan, waxa ku baxaya Hal milyan iyo shan boqol oo kun oo doolar ($1, 500, 000), Xukuumadda Somaliland ayaa fulinaysa, lacagtaa qayb ayaa la bixiyey qaybta kalena hada waa la bixinayaa, shirkadiina gacanta ayey ku haysaa, ma jiro Jeel istaagay, waxaanu beeninaynaa in dhisme istaagay uu jiro, waxaan u mahad celinayaa shirkada Al Baraka oo runtii xoog saartay, waa shirkad caan ku ah dhismayaasha, waana kaa socda. Waxaan maqlayey iyadoo la leeyahay jeelkii waa istaagay, Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo meelna dhagax ma dhigno, hadaanu dhignana waanu dhisnaa.”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo Samsam Cabdi aadan oo goobta uu ka socdo dhismaha Xabsiga Cusub ee Burco ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay Warar sheegaya inuu istaagay dhismaha Xabsiga Cusub ee Burco iyada oo sheegtay inay Wasaaradda Maaliyaddu diyaarisay lacagta ku baxaysa dhismaha Xabsiga.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu booqday Cusbitaalka Guud ee Burco halkaasi oo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE khudbad ka jeediyay isaga oo sheegay in xisbiga talada haya iyo xukumadiisu ay awoodooda oo dhan isugu gaynayaan la dagaalanka cudurka Shuban Biyoodka.

Guddoomiyaha ayaa deeq Lacageed oo dhan todobaatan kun oo dollar (70.000$ )oo Xisbiga KULMIYE ugu talogalay gurmadka shuban biyoodka ku wareejiyay Wasiirka wasaaradda Caafimaadka. Guddoomiyaha KULMIYE oo deeqdaasi xisbigu kaga qayb qaatay gurmadka ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “ Halkan anigu xisbi ahaan tabaruc baanu keenay halkan qaadhaan ay soo ururiyeen dadka KULMIYE ka mid ah, iyo taageerayaashiisa oo shanta.

qaaradoodba iyo gudahaba ka kooban ashqaas leh , shirkad leh lacag ay soo ururiyeen baanu u sidnaa halkan (Cusbitaalka Burco ) oo lagu taageerayo gurmadka lagu jiro la dagaalanka shuban biyoodka Burco , markaa maanta waxaan ku wareejinaynaa Wasiirka Caafimaadka 70,000$ kun jeeg ah oo ay soo ururiyeen taageerayaasha xisbiga ” .

Wasiirka Madaxtooyada ayaa isaguna sheegay inay Xukumad ahaan maanta magaalada Burco ku Wareejinayaa 270 Kartoon oo daawooyin ah kuwaasi oo Xukumadu ugu talogashay kayd ahaan, isaga oo u mahadceliyay xisbiga KULMIYE waxaanu yidhi “Waanu bogaadinayaa Xisbiga KULMIYE qaadhaankan uu ku wereejiyey wasaarada caafimaadka lacagtaa waxa lagu isticimaali doonaa gunooyinka hawl wadeena shaqnaya habeen iyo maalinba dadka shaqaynaya ayaa loo adeegnayaa, laba bilood bajadkood ayey soo gudbiyeen, kharashkaas ayaa ka daboolaya hawshan, waanu ku bogaadinayaa xisbiga KULMIYE iyo gudoomiye Muuse Biixi ba, waxa kale oo aanu halkan Wasaarada caafimaadka kaga wareejinayaa 270 kortoon oo dawo iyo qalab ka kooban oo aanu Xukuumad ahaan gobolkan u keenay si aanu xaalada gurmadkan ay qayb ugu noqoto” .

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan gurmad xoog leh ka galeen sidii aanu xanuunku u faafi lahayn si xoog leh isaga oo si weyn ugu bogaadiyay Xisbiga KULMIYE iyo Xukumada ka qayb qaadashada gurmadka la dagaalanka Shuban biyoodka ee Burco.

advertisements

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY