Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Khaarejiga Somaliland Oo Gaadhay New York

0
432

New York (HP): Wefti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa gaadhay xarunta guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Wasiir Ciise Kayd, iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa muddooyinkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Maraykanka, iyadoona ay maanta gaadheen xarunta guud ee Qaramada Midoobay.
Weftigan uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxaa xubno ka ah Drs. Edna Aadan Ismaaciil, oo ah ergayga Somaliland u qaabilsan wadahadaladda Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale.

Markii weftigaasi ay gaadheen xarunta Qarramada Midoobay ee New York, waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan.
Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa ka warbixiyay u jeedadda socdaalka ay ku joogaan Maraykanka, iyo sidoo kale booqashadan ay ku tegeen xarunta guud ee Jamciyadda Qurruumaha ka dhaxaysa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here