Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweynaha DDS Ethiopia oo Tog-Wajaale Lagu Soo Dhaweeyay

0
610

Tog-Wajaale (HP): Waxaa maanta Somaliland soo gaadhay wefti uu hogaaminayo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Cagjar.

Soo dhawaynta weftiga Itoobiya waxaa madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay wasiirka Tignolojiyadda, badhasaabka Gabiley, maayarka Gabiley, iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda Somaliland ka tirsan.

Sidoo kale waxaa soo dhawayntaasi qayb k ahaa guddiga sare iyo maamulka Jaamacadda faca-weyn ee Camuud ee magaaladda Boorama.

Weftiga uu hogaaminayay madaxweynaha DDS Ethiopia oo muddo laba maalmood ah ku sugnaan doona Somaliland ayaa isla maantaba waxaa loo gudbiyay dhinaca gobolka Awdal, halkaasoo ay weftiga Ethiopia muddo laba maalmood ah ku sugnaan doonaan.

 

Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka warbixiyay soo dhawaynta weftiga madaxweynaha DDS Ethiopia iyo u jeedadda booqashadda uu Somaliland ku yimid:

 

 

 

LEAVE A REPLY