Somaliland Oo Ethiopia Kaga Qayb Gelaysa Shir Ku Saabsan Duur Joogta

0
400

Hargaysa (HP): Wefti ka socda jamhuuriyadda Somaliland oo dalka Ethiopia kaga qayb gelaya shir ku saabsan ka ganacsiga sharci darrada ah ee Duur joogta ayaa maanta u anba-baxay magaaladda Jig-jiga oo uu shirku ka dhcayo.
Shirkaasi oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa lagaga wada hadli doonaa sidii labadda dawladood ee Somaliland iyo Ethiopia ay iskaga kaashan lahaayeen ka ganacsiga sharci darrada ah ee Duur joogta, kaasoo laga fuliyo xuduuda labada dawladood.
Weftigan ka socda Somaliland ee u baxay Jig-jiga ayaa ka kala socday wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda, wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ciimadda kala duwan ee qaranka iyo golaha Guurtidda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Shukri Xaaji Ismaacil Baandare, oo weftigaasi maanta ka anba-bixisay magaaladda Hargaysa, ayaa xubnahaasi kula dar-daarantay inay ka faa’iidaystaan mudadda uu shirku socda, isla markaana ay kulankaasi kala soo noqdaan wax dalka anfaca.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here