Wefti Ka Socda Dalka Turkiga Oo Lafilayo In Ay Somaliland Booqasho Ku Yimaadaan

0
1178

Hargeysa,(HargeisaPress)—Wafti balaadhan oo ka socda dawlada Turkiga ayaa la filayaa in ay Somaaliland booqasho ku yimaadaan Maalmaha soo socda.

Wararka laga helayo xubno katirsan xukuumada Somaliland ayaa tibaaxay in maalmaha soo socda ay Somaliland soo gaadhayaan waftigani kasoo baqoolaya dalka Turkiga ujeedada waftiga iyo imaatinkooda ayaan wali si cad loo sheegin wakhtiga ay imanayaan.

Xogaha aanu ka helay waftiga ka socda dalka Turkiga ayaa tibaaxay in uu waftigan hogaaminayo wasiirka arimaha dibada dalka Turkiga oo ay weheliyaan wasiirka waxbarashada iyo diblamasiyiin kale.

Jamhuuriyada Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa kusoo qulqulaya wufuud sare sare  oo ka kala socota wadamada caalamka iyadoo wali ay joogaan waftigii sare ee ka socday dalka Eritrea kaasi oo uu hor kacayo wasiirka arimaha dibada dalkaasi iyo xubno kale oo miisaan culus leh Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Somaliland ayaa xiligan ah mid si wayn ay isha ugu hayaan wadamada caalamku kaasi dhanka kalena ay muuqato saamaynta siyaasadeed ee arimaha ka socda geeska iyo muhiimada ay ku leedahay juquraafi ahaan manqada geeska Africa.

Dhanka kale socdaalka waftiga ka socda dawlada Eritrea ayaa jawaab diblimaasadeed u ah socdaalkii madaxwaynaha jabuuti ku tagay muqdisho halkaasi oo uu kaga dhawaajiyay aragtidiisa midnimada somaliya taasi oo shacabka Somaliland u arkaan mid aan suurto gal ahayn balse madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele uu ku hawlan yahay mid taasi kasoo horjeeda una muuqata riyo iyo kala fogaansho u umuujiyay jamhuuriyada Somaliland oo ay wadaagaan xuduud dheer iyo mid bulsho Wallow socdaalka waftiga dawlada Eritrea ku yahay madaxwaynaha jabuuti mid jawaab u ah hadalkiisa iyo ficilada aan rajadu ka muuqan ee uu ku barbar taagan yahay xukuumada madaxwayne farmaajo oon iyadu xukumin magaalada muqdisho kana dhisan warbaahinta iyo macaamilka dawladnimo ee beesha caalamka.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

Hargeisapress@gmail.com  

LEAVE A REPLY