Wefti Ka Socda Dalka Jabuuti Oo Somaliland U Yimi Ka Qayb-Galka Xuska 18 May.

0
453

Hargeysa (HargeisaPress) – Xubno Ka Mid ah Golaha Wasiiradda Somaliland iyo Taliyaasha Ciidamada Somaliland Ayaa Madaarka Caasimada Hargeysa Ku Soo Dhaweeyay wafti Ka Socda Dalka Jabuuti.

Waftigan Ka Socda Dalka Aynu Dariska Nahay Ee Jabouti Ayaa Ka Kooban 31 Xubnood Oo Uu Hogaaminayo Xoghaya Guud Ee Raysal Wasaaraha Jabouti Nagiib Cabdalla Kaamil Waxaaney Somaliland u yimaadeen Ka Qayb Galka Xuska Sanad guuradda 30-aad Ee Ka Soo Wareegtey Markii Somaliland Dib Ula Soo Noqotey Madaxbanaanideed Oo Ku Asteysneyd sanadkii 1991-kii bishii May 18-keedii.

Wasiirka Tamarka iyo Macdanta JSL Jaamac Maxamud Cigaal Ayaa sheegay in waftigani reer jabuuti ay dalkoodii labaad yimaadeen kana qayb gali doonaan huska maalinta qaranimada somaliland Ee 18 May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here