Wefdigii Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Kulan La Yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya

0
1797

Nairobi (Hargeisa Press) – Wefdigii Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee safar shaqo ku joogay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa kulan weyn la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya, ahna Musharraxa Madaxweynenimada ee dalkaasi William Ruto.

Kulankan Guddiga Doorashooyinka Somaliland la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya, ayaa waxaa ku wehelinayay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Dessalegn iyo xubno ka socday Wadamada Beesha Caalamka.

Xuseen Badhaani oo ka mid ah xubnaha wefdiga Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa ka waramay nuxurka shirka, isagoo sheegay inay William Ruto ka xog-waraysteen habsami-usocodka doorashada dalka Kenya, xaaladaha, caqabadaha iyo cabashooyinka jira, sidoo kalena ay weydiiyeen aqbalaada Natiijada doorashada dhankiisa.

“Kooxdayadan oo uu na hogaaminayay Raysal Wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Dessalegn, waxaanu saaka la shirnay Madaxweyne Kuxigeenka ahna Musharaxa Madaxweynenimada ee dalka Kenya Md. William Ruto. Halkaas oo aanu kaga xogwaraysanay habsami-usocodka doorashada, xaaladaha, caqabadaha, iyo cabashooyinka jira, sidoo kale na aanu weydiinay aqbalaada Natiijada doorashada dhankiisa.” ayuu yidhi Komishaneer Xuseen Badhaani.

Guddiga Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa ka mida waddamada caalamka ee kormeeraya qaabka ay u dhacayso doorashooyinka dalka Kenya, Sidoo kale waxa ay rabbaan in ay khibrad iyo aqoon dheerada ka helaan doorashada dalkaasi ka dhacaysa.

LEAVE A REPLY