Wefdi Culus oo Ka Socda Dowladda Sacuudiga oo Soo Gaadhay Somaliland

0
1139

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wefdi isugu jira masuuliyiin dowladdeed iyo ganacsato ka socda dowladda boqortooyada Sacuudiga, ayaa waxaa ay soo gaadheen dalka Somaliland.

Weftiga ka socda boqortooyada Sacuudiga oo ka kooban 16 xubnood oo isugu jira masuuliyiin xil ka haya dowladda Sucuudiga iyo ganacsato maalgashadeyaal ah oo dalkaas u dhashay, ayaa waxaa dalka ku soo dhaweeyay Wasiirada wasaaraddaha horumarinta maalgashiga iyo Beeraha Somaliland oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaarada Wershadaha.

Sidoo kale, wefdigan, ayaa booqasho indho-indhayn ah ku tegay Banka Wajaale ee gobolka Gabiley maanta oo jimce ah, halkaasoo la doonayo in laga fuliyo mashaariic dhinaca beeraha ah.

Weftigan waxa gobolka Gabiley ku soo dhaweeyay Maayarka degmada Gabiley iyo maamulka gobolkaasi, waxaanay soo dhaweynta kaddib booqdeen mashruuca banka Wajaale oo ay wakhti ku qaateen.

Ujeedada booqashadooda wefdigan ka socda dowladda Sacuudiga, ayaa la xidhiidha sidii ay indho-indhayn iyo u kuur-gal ugu samayn lahaayeen maalgashiga Somaliland.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Cabdillaahi oo hadal ka jeediyay munaasibada, ayaa sheegay in Wasaarad ahaan iyo xukuumada ay farxad u tahay inay dalka yimaadaan wefdigan Sacuudiga oo hadafkoodu yahay maalgashi ay dalka ku sameeyaan.

“Wefdigan oo ka socda dalka Sacuudiga ayay qeyb ka yihiin ganacsato dhinacyo kala duwan xoolaha, warshadaha, iwm, muddo afar maalmood ayey dalka joogi doonaan, ay ku indhoindheynayaan fursadaha maalgashi ee dalka ka jira.

Wasiirka, ayaa sheegay inuu yahay weftigani kii noociisu ugu horeeyey maalgashedeyaal dalka Sacuudiga ka socda ee booqasho ku yimaada dalka, waxaanu intaasi ku daray in wadamadda Khaliijka oo cilaaqaad ganacsi ka dhexeyn jiray Somaliland ay dib u fahmeen fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, sida wadamadda kale caalamka, diyaarna u yihiin inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland.

Cabdisalaan oo ah masuulka hogaaminayay wefdiga, ayaa bogaadiyay sida wefdiga loogu soo dhoweeyay Somaliland, isla markaana sheegay inay xog-ogaal u noqon doonaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira Somaliland.

Wefdigan, ayaa waddanka joogidoona muddo 5 cisho ah, iyaga oo aad u danaynaya fursadaha maalgashi ee waddanka ka banaan ee la maalgashankaro sida Maalgashiga Beeraha, tamarta, kalluumaysiga iyo xoolaha nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here