Weerar Ka Dhacay Itoobiya oo Lagu Dilay 12 Qof

0
1175
(20110130) -- ADDIS ABABA, Jan. 30, 2011 (Xinhua)--Security personnels patrol on the street in Addis Ababa, Ethiopia, Jan 29, 2011. Security has been tightened before the two-day 16th African Union Summit, which will kick off on Sunday. (Xinhua/Zhao Yingquan) (yc)

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Weerar hubaysan oo ka dhacay Ismaamulka gobolka Benishangul-Gumuz ee ku yaala galbeedka dalka Itoobiya ayaa waxa ku dhintay 12 qof, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

War-saxaafadeed uu soo saaray Gashu Dugaz, oo ah Agaasimaha xarunta Amaanka iyo Nabad-dhiska ee Ismaamulka gobolka Benishangul-Gumuz ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay Mandura oo ka tirsan Metekel, halkaana ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof.

Waxaanu intaasi ku daray Mr Dugaz in hal qof oo kale uu ku dhaawacmay weerarkaasi, isla markaana uu dawayn ka helay xarun caafimaad oo ku dhawayd halka uu weerarku ka dhacay.

Ciidamada dawladda federalka Ethiopia ayaa gacanta ku soo dhigtay dadkii weerarkaasi ka dambeeyey xabsigana u taxaabtay.

Ciidamada amaanka ee Ismaamul gobolkaasi ayaa la dhigay halka uu weerarkaasi ka dhacay si aanay weeraro kale uga dhicin.

Dhinaca kale khamiistii ayuu weerar kale ka dhacay Mandura oo ka tirsan Ismaamulka Benishangul-Gumuz, waxaana ku dhintay 14 qof oo mid ka mid ahi uu yahay ajanabi. Halka bishii September weerar ka dhacay isla goobtaasi uu ka tagay dhimashada 20 qof oo shacab ah.

Masuuliyiinta dalka Ethiopia ayaa hore u shaaciyey in weeraradan soo noqnoqonayaa ay salka ku hayaan qoomiyada, si gaar ahna loo bartilmaameedsanayo Amxaarada.

LEAVE A REPLY