Waxqabadka Xukuumadda Siilaanyo maaha in Wasiir Cali-marreexaan si gaar ah u Sheegto taasi oo sharaf dhac ku ah Madaxweyne Siilaanyo.

0
1283
Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guryaynta iyo gadiidka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan)

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa wakhti xaadirkan ka taagan xaalad adag oo uu sababay xanuunka Shuban Biyoodku,iyada oo ay gabi ahaanba ay  goobaha caafimaad ee magaalada Burco-na ay jiifaan isla markaana ay buux dhaafiyeen dad uu soo ritey xanuunku oo iskugu jira,caruur,dhalinyaro iyo waayeel iskugu jiraan odayaal iyo haween.

Waxaana magaalada Burco la galiyey xaalad deg deg ah iyada oo gabi ahaanba la wada fasaxay goobihii waxbarasho ee lagu baran jirey waxbarashada Maadiga ah iyo ta Diiniga ahba iyo waliba goobihii la iskugu imaan jirey,waxaana xanuunkan Shuban Biyoodka ilaa hadda u geeriyooday tiro dad ah oo ka badan 25 qof,iyada oo sidoo kalena ay xanuunkan u jiifaan boqolaal dad ah oo uu asiibay xanuunkani isla markaana laga kala keenay deegaanada gobolka Togdheer iyo gudaha magaalada Burco.

Waxyaalaha layaabka leh ee maanta dhagaha shacabku maqleen oo ah mid aan la qadan Karin, taasi waxan uga socda Cali Xasan Maxamed  (Cali-marreexaan)- Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta & Gaadiidka Somaliland ayaa ku faanay inuu maanta dalka keenay Diyaarad Dawo ah  .

Haddaba Wasiir Cali-marreexaan miyaanay ceeb ku ahay inuu shacabka burco daagero kaga doono lacag aanu jeebkiisa ka bixin bal see ay tahay lacagtii umada ee Xukuumada Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan), ayaa 1200 oo Kartoon oo Daawooyin ah Gaadhsiiyey Magaalada Burco, taasi oo meel kadhac ku ah xukuumada siilaanyo waiirka maxaa u diiday inuu runta  ka sheego lacagtu meeshay ka timid.

Wasiirka Hawlaha Guud ma warshadii daawada ayuu leeyahay marku leeyahay diyaarad dawo ah Ayaan kenay. Afkaasi maaha mid wasuul.

Gabagabadiina xaaladda magaalada Burco ayaa wakhti xaadirkan u  baahan in si deg deg ah loogu gurmado gacmahana la isku qabsado sidii loola tacaali laha xaaladda Shuban Biyoodka ee ka dilaacay gobolka Togdheer isla markaana loo xakamayn lahaa fiditaanka xanuunkan Shuban Biyoodka.

Mohamed Adan. Burco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here