Waxgaradka Iyo Dhalinyarada Degmada Ibraahim Koodbuur Oo Kalsoonidii Kala Noqday Xildhibaan Hanad Xaashi Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa

0
1098

Xildhibaan Hanad XaashiHargeisaPress — Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Waxgaradka Iyo Dhalinyarada Degmada Ibraahim Koodbuur ayaa waxay ku shaaciyeen inay Kalsoonidii kala noqdeen Xildhibaan Hanad Xaashi , oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa.

Kulankan oo Habeenkii Xalay Ahaa ka Qabsoomay Fish And Steak Hotel ayaa  ahaa mid ay u dhan yihiin dhamaan Beesha uu ka soo jeedo Xildhibaan Hanad, waxanay ku Shaaciyeen   inay Gabi ahaanba Kalsoonidii kala laabteen Xildhibaan Hanad Xaashi, ka dib markii uu ku fashilmay Masuuliyadii loo doortay islamarkaana Habeen iyo Maalinba uu ku hawlan yahay kala Qoqobka iyo kala Qaybinta Beesha uu ka soo jeedo, isaga oo ku Mashquulay Hanti urursi iyo Dano gaar ah waa sida ay Kulankan ka sheegeen.

Waa markii ugu horeysay ee Kalsoonida lagala Noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, Xildhibaan Hanad ayaa waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii laga soo doortay Caasimada Hargeysa.

Cabdi Saxafi

LEAVE A REPLY