“Waxey Aheyd In Xukuumad iyo Shacbiba Laga Warhayo Dhibaatada ay Shirkada Leydhka Kaah Ku Hayso Dadweynaha” Maxamed Gadhyare

0
1009

GadhyareHargeysa, (HargeisaPress) — Siyaasiga Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare islamarkaana, ah Mulkiilaha Huteelka CASBALANCA  ee Magaalada Hargeysa ayaa siweyn u naqdiyay,habdhaqanka iyo macaamilka dadweynaha ee Shirkada Leydhka Kaah Electry oo uu ku eedeeyay, in ay u shaqeyso nidaam khaldan oo
dhiiga lagaga miirayo Shacbiga Caasimada Hargeysa qeybaha ay Leydhka gaadhsiiyaan oo dhan.
Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare oo hadhwanaagnews uga waramey cabashada ay Dadweynuhu ka qabaan Shirkada Leydhka Kaah Electry waxa uu carabka ku dhuftey in shaqaalaha lagu abaalmariyo sida ay usoo xereeyaan Lacagaha islamarkaana, aanay cidna kala tashan shaqaalaha Shirkadaasi
marka ay qorayaan Leydhka Guryaha uu ugu jiro Leydhka Shirkada Kaah maadaama ay iyagu abaal marin dhinaca Shirkada ah ku helayaan dakhliga ay soo qoraan ama ay soo xereeyaan,Waxa kale oo Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare xusey in ay Guud ahaanba Shacbiga Caasimada Hargeysa ee Shirkadaasi leydhka siisaa ay ku qabaan Dhibaatooyin badan oo aan kala hadh laheyn isagoo sigaar ah u tilmaamay Qiimaha Sixirka oo ka badan ka Shirkadaha kale ee Laydhku qaadaan.
“Meelaha ugu korontada qaalinsan waxa kamid jabuuti,hadana waxa korontadeedu aanay ka badneyn 30 senti laakiin Shirkadani Kaah waxey dhiiga ka miiratey dadweynaha hadaan la iska gaadhina wey kasii Xumaan doontaa halka ay maanta mareyso,waayo shaqaalaheeda waxa lagu abaal mariyaa sida ay usoo xereeyaan lacagta Leydhka hadii ay waxooda uun qaadanayaan macno maleh laakiin waxey saacada leydhka qoraan iyadoo aan cidi la eegin, oo aan lala joogin taas,oo ah wado xaaraan ah oo aan raali laga aheyn waxay bil walba ka xereeyaan lacagta Leydhka malaayiin dollar waana dhiigii dadweynaha oo la shubanayo”Ayuu yidhi.
Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in Dadweynuhu ka feejignaadaan Xukuumaduna ka warheyso sida shacbigeeda loola dhaqamayo. Gabagabadiina waxa uu Dadweynaha usoo jeediyay in ay ka hadlaan oo ka dacwoodaan dhibaatada Sghirkada Leydhka Kaah ay ku hayso dadweynaha Caasimada Hargeysa.
Dhinaca kale Maamulka Shirkada Leydhka Kaah Elecrtry oo aanu isku daynay inaanu la Xidhiidhno Si aanu wax uga weydiino eedaymaha loo jeediyay ayaanay, noo suurta galin.
Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here