Waxbarasho Tayo Leh Lama Heli Karo Macallinka Oo Aan La Daryeelin W/Q Cabdiraxmaan Cadami

0
654

Hoggaamiyihii ama ra’isal wasaarihii hore ee waddanka Israel Mr Shimon Peres wuxuu yidhi: Dal kasta horumarka uu samaynayo ama samayn doono waxa laga qiyaasa tirada dugsiyada iyo jaamacadaha ka jira iyo tayadooda waxbarasho.

Waxaan u malaynaya in Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi isaguna sidaas oo kale aamminsan yahay, u fiirso khudbadihiisa inta badan wuxuu bulshada ku dhiiri geliyaa in xoogga la saaro waxbarashada tiro iyo tayaba oo fure u noqon karta horumarka dalka iyo ilbaxnimada bulshada.

Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniskuna iyaga oo ka duulaya siyaasadda dawladda sanad kasta ugu yaraan waxay qabtaan laba kulan oo heer Qaran ah, waxa ka qayb gala madaxda wasaaradda, aqoonyahanno ku xeeldheer cilmiga waxbarashada iyo khubaro ka socota hay’addaha caalamiga ah ee Somaliland ka caawiya dhinaca waxbarashada.

Kulamadaa oo maalmo qaata waxa lagaga dooda sida ugu haboon ee kor loogu qaadi karo tayada waxbarashada dalka oo cid kastaaba dareensan tahay in ay ka hoosayso heerkii loo baahna.

Dhammaadka kulanka waxa laga soo saara go’aamo iyo talooyin haddii la dabaqo wax ka tari kara tayaynta waxbarashada waxaanse marnaba la tixgelin oo laga warwareega in la tilmaamo doorka macallinku ku yeelan karo waxbarashada wanaagsan, yaala lama xuso mushaharka iyo duruufaha dhaqaale ee macallinka dugsiyada dawladdu maamusho.

Mudane madaxweyne ama wasiir shicibku ma rumaysto hadallada iyo ballanqaadyada afka ah ee madaxdu ku celceliso munaasibadaha qalin jabinta iwm laakiin, waxay rumaystaan ficilka iyo waxa ay indhahooda ku arkaan ee la qabanayo.

Runtii ma mooggani haynta iyo dhaqaalaha dalka, mana mooggani baaxadda baahiyaha jira hase ahaatee doodaydu waxay tahay in mudnaanta la siiyo nolosha macallinka si dugsiyada dawladdu tayo ahaan ula tartami karaan kuwa gaarka loo leeyahay; sidaas daraadeed madaxweynaha iyo wasiirka wasaaradda maaliyadda waxaan u soo jeedinaya in ay ku dhiiradaan in miisaaniyadda sanadkan (2020) mushaharka macallimiinta loo kordhiyo ugu yaraan wax u dhigma mushaharka laga qaato kuwa gaarka ah si loo joojiyo hayaanka macallinka fiican ee dhaqaale doonka ah.

Talo Bixin

In laga dhabeeyo balanqaadyadii xukuumadda ee ahaa in kor loo qaadi doono tayada waxbarashada iyo ‘sector-ka caafimaadka;

In macallimiinta mushaharka loo kordhiyo in ka dabooli karta baahiyaha aasaasiga ah.

In bilaha fasaxa macallimiinta la siiyo tababarro si kor loogu qaado xirfaddooda waxbarashada (in-service training).

In sanad kasta macallinka lagu qiimeeyo kartidiisa iyo sida uu ugu dadaalo ardayda.

In dugsiyada gaarka loo leeyahay ee wali ka caga jiidaya in ay ka mid noqdaan nidaamka waxbarashada JSL lagu khasbo in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo amarrada wasaaradda.

In wasaaradda waxbarashada iyo sayniska laga bixiyo ogolaanshaha (admission) jaamacadaha dalka lagu galo.

 

Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

LEAVE A REPLY