“Waxaanu ku dedaalaynaa sidii Wajaale u heli lahayd biyo ku filan”…

0
562

Tog-Wajaale (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa shaaciyay in ay wadaan qorshe ay ku doonayaan sidii magaaladda Wajaale biyo ku filan u heli lahayd

Waxaanu tilmaamay in ay ku dedaal ugu jiraan sidii ay mashruuca biyo ballaadhinta  Tog-Wajaale ugu helli lahaayeen adduun lacageed oo ay ku horumarinayaan.

Saleebaan Cali Koore, oo maanta booqasho ku tegay magaaladda Wajaale waxa uu soo kormeeray halka uu ka socdo mashruuca biyo balaadhintaTog-Wajaale.

Waxaana kormeerkaasi ku wehelinanayay guddoomiyaha Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi iyo saraakiil ka socday hay’adda maalgelinaysa mashruuca biyo gelinta Wajaale.

Wasiir Koore, oo ka hadlayay qorshaha biyo balaadhinta Wajaale faahfaahin ka bixinayayna waxa uu yidhi “Magaaladda Tog-Wajaale waan ku soo noq-noqday ilaa afar jeer.  Sababta aan ugu soo noq-noqdayna waxa weeye,  mashruuca ayaan dhib yarayn.

Kaasoo meel fog oo magaaladda u jirta 26 KM laga soo jiidayo, magaaladda oo aan rabno inay biyaha gashato.

Mashruucan oo aanu lacag kale u doonayno iyo dadkii maal-geliyeyaasha ahaa  in aanu ka raysano mishiinadda, oo aanu helno nidaamka tamarta ee Qoraxda ku shaqeeya”.

Waxaanu intaas raaciyay “Wajaale anaga oo ILLAAHAY la kaashanayna isagaa awood lehe, iyo hay’addaha iyo dadka dhammaantoodb in aanu biyo ku fillan oo joogta ah ay degmadda Wajaale hesho, ayaanu ku dedaalaynaa”ayuu yidhi wasiirka biyaha Somaliland.

Geesta kale gudoomiyaha magaaladda  Tog-wajaale  Xaashi Maxamuud Cabdi,  ayaa isna wasiirka uga mahad naqay dedaalka ay ugu jiraan ka wasaaradd ahaan sidii degmadda Togwajaale biyo ku filan u helli lahayd.

Waxaanu yidhi “Wasiir aad iyo aad ayaanu kuugu soo dhawaynaynaa hawlgalka culus ee aad ku wadid biyo gelinta degmadda Tog-wajaale.

Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay hawshaasi sida aad u wadid, ee aad mar walba ugu soo noq-noqotid, uga-na hawl-gashid sidii degmadda Tog-wajaale biyo u heli lahayd.

Beebabka biyo gelinta ayaa magaalada aad ugu yar, dhibaatadu-na waxay ka taagan tahay dhuumihii biyo gelinta ayaan magaaladda wada gaadhsiisnayn”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here