“Waxaanu ku darsanaynaa Soomaaliya adduunyadu ka yeeli mayso Sool waa sidaas oo kale…”

0
477

Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddal Cimilada JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay in beel ka mida beelaha Somaliland wadda degaa ay ku dhawaaqdo in ay ka goosatay Somaliland.
Wasiirku waxay sheegtay in qabaa’ila Soomaalidu ay wada degaan dhulal kala duwan oo wadamadda Geeska Afrika ku yaalla, isla markana iyagoo Soomaali ah hada na ay ka tirsan yihiin wadamo ama dawlado kale.
Waxaanay wasiir Shukri, tusaale u soo qaadatay in dadka Soomaalidu ay dalalka Geeska Afrika wada degan yihiin, isla markaana haddii bulshadda Soomaalida ah ee ku nool Killidhka Shanaad ee Itoobiya, in aanay suurto gelaynin.

Sidaas darteed na haddii beel ka mid ah beelaha Somaliland wada degaa ay ku dhawaaqdo in ay dalka ka goayso in tallaabadaasi aan la aqbali Karin, isla markaana gobol kasta oo dalka ka mid in beelaha reer Somaliland ay wada degan yihiin.
Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay munaasibad lagu xusayay maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da bisha March, oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa, ayaa ka hadashay dagaalka magaaladda Laascaanood ee ay ciidamadda qaranka Somaliland kula dagaalamayaan kooxaha ku soo duulay.

Waxaanay wasiirku Carrabka ku dhufatay in colaadda ka taagan magaaladda Laascaanood ay faraha kula jiraan dawlado shisheeye, iyo sidoo kale cadowga jamhuuriyadda Somaliland oo isa soo baahaystay.
Shukri Baandare, ayaa tilmaantay in aanay suurto gal ahayn in beelaha gobolka Sool ay yidhaahdaan waxaanu ku darsanaynaa Soomaaliya, balse ay lagama maar-maan tahay in miiska wada hadalka la isugu yimaado, oo xaaladda wada hadal lagu dhameeyo.

Geesta kale wasiirka Deegaanka Somaliland waxay ka hadashay xaaladda ay ku sugan yihiin iyo dhibaatadda dagaalka ka soo gaadhay haweenka, iyo carruurtii ka qaxay magaaladda Laascaanood. Waxay sheegtay in dagaalka Laascaanood ay dawlado shisheeye farraha kula jiraan. Waxaanay sheegtay qiimaha ay nabad-geliyadu leedahay ay maanta garranayaan dadka ka qaxay magaaladda Laascaanood.

Dhinaca kale wasiir Shukri Baandare, waxay ka hadashay xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da bisha March, iyo u jeedadda laga leeyahay. Waxaanay sheegtay in maalinta 8-da March ay tahay maalin loo asteeyay Haweenka, sidaas darteed na ay tahay in meel walba oo aynnu joogno haweenka aynnu ugu hambalyayaynno.

DAAWO: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddal Cimilada JSL:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY