“Waxaanu Eegaynaa Intii Dhagax La Dhigay Intee Ka Fushay, Waanu Tirinaynaa,hadii…”Muuse Biixi

0
889

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa Maanta Bogaadiyay Madaxweyne Siilaanyo iyo weftiga weheliya ee safarka ku marayay Maalmihii u dambeeyay Gobolada dalka. Waxay sidoo kale Madaxweynaha ka difaaceen dhaliilo loo jeediyay intii uu safarka ku jiray.

Gudoomiye Muuse Biixi oo ugu horayn  Safarka hambalyaynaya ayaa yidhi “Maanta waxaanu shirkan u qabanaynaa inaanu Xisbi ahaan,Qaran ahaan iyo Umad ahaanba Illaahayna ugu mahadnaqno,Weftigii Madaxweynaha iyo Safarkiisana hambalyo ugu diro.umaddii ka hortimid ee la shaqaysayna aanu hambalyo u diro. Waa wanaag inoo qabsoomay qaran ahaan, waa hawl aynu guusheeda leenahay.Madaxweynuhu wuxuu guttay hawshiisii distooriga ahayd ee hayd inuu Dalka maro,inuu xogogaal u noqdo, inuu wixii uu waxtari karana taro wixii kalena xog la soo noqdo.wuxuu ahaa Safar dheer oo wakhti adag ku beegmay oo weftiga iyo intii la socotayba ay u badheedheen, dadkuna ay si wanaagsan uga jawaabeen”

Dhinaca kale Gudoomiye Muuse Biixi wuxuu difaacay Safarka Madaxweynaha oo Mucaaradku dhaliilo u jeediyay, waxaanu sheegay in Safarka Madaxweynuhu qorshaystay islamarkaana cidda uu doono la shirayo meesha uu doonana u hayanayo.

Waxa uu sidoo kale ka jawaabay eedaha Mucaaradka ah ee ah in Meel walba Madaxweynuhu dhagax iyo ballan aan fulayn dhigayo “Arrinta ah dhagaxaan badan baad meel dhigaysaan, dee wixii aanu dhigno ma fulinay, mise lama fulin, haddii la fuliyo dee waa wanaag.markaas waxaanu eegaynaa intii dhagax la dhigay intee ka fushay, waanu tirinaynaa, haddii boqolkiiba todobaatan(70%) la fuliyay,dee waxa weeye qof qorshe dhigtay oo talaabo wanaagsan hore u qaaday oo 70% ama 80% fuliyay dee waa guul” ayuu Muuse Biixi Yidhi.

Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa dhawr jeer sheegay inay dhamaystireen Qorshihii Bulshadu ku dooratay haddana waxay wadaan tahay Siyaaddo. Balse Mucaaradka ayaan aaminsanayn in Xukumadda Kulmiye wax ka qabatay arrimaha Bulshada ee dhinaca Biyaha,Caafimaadka iyo adeegyada kale ee Aaasaasiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here