“Waxaan u sheegayaa Soomaaliya in aanay suurto gelaynin midaw danbe…”

0
521

Burco (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil, ayaa ugu baaqday dawladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya in ay aqbalaan in aan noqono laba dal oo jaar ah sida adduunka kale.

Waxaanay sheegtay wasiir Shukri, in aanay marnaba suurto gelaynin in Somaliland ay dib ula midawdo Soomaaliya, balse ay ogaadaan in aan noqono laba dawladood oo walaalo ah jaarna ah sida dalalka kale ee adduunka.

Sidaas darteedna looga baahan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inuu arrintaasi qalbiga ku hayo.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil, waxay sidan ka sheegtay khudbad ay xalay guriga madaxtooyadda magaaladda Burco ugu jeedisay boqolaal dadweyne ah xuskii munaasibadda qaran ee 18-ka May.

Waxaanay wasiirku hadalo dar-daaran ah u jeedisay qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer gaar ahaana dhalinyaradda.

Wasiirka ayaa ugu baaqday dhalinyaradda in ay calankoodda ilaashadaan, isla hadhsataan oo ay calankoodda iyo qarankoodda iimaansataan midaw danbe oo Soomaaliya lala gelayaana aanu jirin.

Munaasibadaasi lagu xusayay 31 guurradda ka soo wareegtay gooni isku taaga Somaliland oo shalay guud ahaanba dalka Somaliland oo dhan si weyn looga xusay, waxaa bulshadda magaaladda Burco kala qayb galay wasiirro iyo masuuliyiin kale.

Waxaana ka mid ahaa wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan xukuumada, maamulka gobolka Togdheer, iyo ka degmada Burco, iyo masuuliyiin kale.

DAAWO: Wasiir Shukri Baandare Oo Arrimahaasi Ka Hadlaysa

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here