“Waxaan Mareykanka u tagay inaan maxkamad la tiigsado ninkii isku dayay inuu Soomaaliya igu dilo”

0
730
Warfaa ayaa dacwadda awgeed ugu dhoofay Mareykanka

Hargeysa ,(HargeisaPress) —Tacaddiyada ka dhanka ah bani’aadannimada ee ka dhacay Soomaaliya intii ay jirtay dowladdii kacaanka ee 21-ka sano uu ka talinayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre waxay isbuucan hareyn doonaan maxkamad ku taalla gobolka Virginia ee dalka Mareykanka kadib markii ugu dambeyn nin Soomaali ah uu ku guuleystay inuu dib ula xisaabtamo sarkaal milatari ahaa oo uu ku eedeynayo inuu isku dayay inuu dilo.

Dacwadda la xiriirta kiiskan oo in muddo ah soo jiitameysay ayaa si rasmi ah uga furmeysa maxkamadda, sida ay shaaciyeen wargeysyada The Guardian iyo New York Times, ee kasoo kala baxa dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka.

Farxaan Warfaa ayaa markii ugu dambeysay ee uu ninka eedeysanaha u ah la kulmay, oo lagu magacaabo Yusuf Cabdi Cali, waxa ay ahayd bishii Maajo ee sanadkii 1998-kii.

Wuxuu sheegay in markaas Cali, oo ku magac Korneyl Tuke, uu bastoolad ula soo baxay uuna ku dhuftay shan xabadood oo uusan u meel dayin.

Ka hor inta aan la tooganin ayuu sheegay in jirdil loo geystay, isagoo xilligaasna ku sugnaa deegaannada Waqooyiga Soomaaliya.

Cali ayaa la sheegay in markaas uu ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo bani’aadan oo dhacay intii u dhaxeysay sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay.

Xarunta caddaaladda iyo isla xisaabtanka ee fadhigeedu yahay gobolka California ayaa kiiskan geysay maxkamadda, si dacwadda dhageysigeeda loo guda galo.

Warfaa ayaa marka ay arrintaasi la sheegayo dhaceysay waxa uu ahaa wiil dhalinyaro ah, haddana waa nin ka mid ah oday dhaqameedyada deegaankiisa.

Waxa uu Soomaaliya uga safray si uu Mareykanka u joogo 5 maalmood oo uu socdo dhageysiga dacwadda.

Waxa uu Warfaa raadinayaa in uu caddaalad u helo jirdil uu ku andacoonayo in loo geystay iyo isku day dil oo ka baxsan sharciga.

Hay’adda kiiskan gadaal ka riixeysa oo magaceeda loo soo gaabiyo CJA ayey guul u tahay in ay maxkamadda aqbasho dhageysiga dacwadda, iyadoo markii ugu horreysay dadaalka ku saabsan arrintan billowday sanadkii 2004-tii.

Waxay kasoo gudubtay qodobo sharciga la xiriira oo horseedi karay in uu kiiska gabi ahaanba burburo.

Sanadkii 2016-kii ayey maxkamadda racfaanka ee uu fadhigeedu yahay Virginia meesha ka saartay qodobbo dhinaca sharciga ah oo hor istaagayay in Cali la maxkamadeeyo.

Waxa ay markii hore caqabad ka taagneyd sida Mareykanka gudihiisa loogu qaadi karo dacwad ay eedeynteeda ka dhacday meel ka baxsan waddankaas, arrintaas ayaana dacwadda dib u dhigtay muddo 15 sano ah.

“Wuxuu rajeynayaa in wax laga qabto tacaddiyada uu sheegay in isaga iyo dad kaleba lagu waxyeelleeyay”, sidaas waxaa yidhi Carmen Cheung oo ah agaasimaha dhinaca sharciga ee hay’adda CJA.

Kiiska ka dhanka ah Cali ayaa ah kii saddexaad ee ay hay’adda CJA ka diiwaan galiso maxkamadaha Mareykanka, waxaana dhammaantood ay salka ku hayaan tacaddiyo la sheegay in la geystay xilligii dowladdii Siyaad Barre.

BBC

LEAVE A REPLY