Waxa dhawaanahan soo baxayey Baaqyo ay dirayaan qaar ka mida siyaasiyiinta samankan joogta ama qaar ka mid ah bulshada rayidka

0
993

Su’aashu waxay tahay maxaa ka dhalankara? Haddii aan sooyaalka taariikhda dub u raacno qaadka Waxa dhawaanahan soo baxayey Baaqyo ay dirayaan qaar ka mida siyaasiyiinta samankan joogta ama qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, oo daarnaa in la joojiyo keenista qaadka. Su’aashu waxay tahay maxaa ka dhalankara?addii aan sooyaalka taariikhda dub u raacno qaadka waxa laysku dayay in lajoojiyo xilliyo hore sida waqtigii isticmaarka iyo xilligii dawladii militaryga ee soomaaliya oo lagu sheegi jiray inay ahayd dawladaha afrika ugu xooga badan gaar ahaan geeska afrika, waxa dhacday in sida taariikhdu sheegto 1983 dii la isku dayey in qaadka la joojiyo, waxaase ka dhashay aafo qaran oo ilaa imika raadkiisi saameyn weyn ku yeeshay bulshada. 1 waxa ciidamadii milatarigu bilaabeen in ay dhul jiifteeyaan oo dirayska ciidanka iyagoo xidhan qaadka xuduudaha ka soo galiyaan, taasina keentay in qaadku meelkasta ka soo galo oo saraakiisha ciidamadu si hoose u noqdaan qaadlayaal. 2 in guryaha lagu rogo laguna qariyo taas oo keentay in dumar badan oo qaadka ka ganacsadaa soo baxaan oo ah ta ilaa imika ka muuqata dhulka soomalida , Haddaba jaadka joojintiisa haddii xilligaa ay ka dhasheen dhibaatooyinkaa aan soo sheegay maanta maxaad umalaynaysaa miyaaney ka dhalan karin arrimaha aan soo sheegay oo keeni karta dhibaatada laga cararayo mid ka sii weyn, miyaanay habooneyn in dadka laga wacyi galiyo oo ay iskood uga waantoobaan. Qoraa hal’abuur Maxamed C/qaadir colhaye

LEAVE A REPLY