Wasiirro Shaaciyay in La Soo Af-jaray Dhuxulaysiga Goboladda Togdheer iyo Saraar

0
472

Fiqi-Ayuub (HP): Waxaa mudooyinkan ba ka socday goboladda Togdheer iyo Saraar, olole balaadhan oo heer qaran ah oo lagu soo af-jarayo jarista dhirta Dhuxushadda laga shido iyo xaalufinta deegaanka.
Ololahaasi la dagaalanka Dhuxusha oo ay dhawr bilood ka hor ku dhawaaqday wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa muddooyinkanba ka socday labadaasi gobol ayaa maanta lagu shaaciyay in si rasmi ah loo soo af-jaray.

Waxaana arrintaasi maanta shaaciyay wasiirradda wasaarradaha xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, iyo wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland oo safar arrintaasi la xidhiidha ugu baxay goboladaasi.
Kadib markii wefti ay hogaaminayeen labadda wasiir ay kormeerro ku soo mareen deegaamadda Fiqi-Ayuub, iyo Ceelal, oo ka kala tirsan goboladda Saraar, iyo Togdheer, waxaana ku wehelinayay isku-duweyaasha wasaaradda deegaanka ee goboladda Togdheer iyo Saraar, iyo sidoo kale masuuliyiin kale.

Waxaana meel fagaare ah oo ay dadweynaha deegaamadda Fiqi-Ayuub, iyo Ceelal, ku sugnaayeen lagu soo bandhigay qalabkii ay gubista dhirta u isticmaali jireen Dhuxulaysatadu oo lagu soo qabtay intii ay socdeen hawl galadaasi lagula dagaalamayay soo af-jaridda Dhuxulaysiga iyo xalaufinta deegaanka.
Iyadoona halkaasi lagu soo guray ayaana halkaasi lagu soo bandhigay qalabkii ay Dhuxulaysatadu u isticmaali jireen jarista dhirta oo baabuur lagu soo guray, iyo sidoo kale xubno ka mid ahaa Dhuxulaysatadda oo shaaciyay in ay shaqadaasi ka tanaasuleen.
Mudadda uu hawl galkaasi socday ayaa wax weyn laga qabtay ololahan lagu joojinayo xaalufinta degaanka iyo jarista dhirta, iyadoona dadkii Dhuxuleyaasha ahaa dareenkoodii wax laga bedelay.
Kuwaasoo qaybo ka mid ahi ay dawladda ku soo wareejiyeen qalabkii ay u isticmaali jireen jarista dhirta, halkii kuwii amarka dawladda ka dhego-adaygayna la soo qab-qabtay.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo la hadlayay dadweynihii goob jooga ka ahaa arrintaasi ayaa bogaadiyay Dhuxulaysatadda joojiyay hawshii ay ku jireen.
Waxaanu sheegay in ay tusaale fiican u noqonayaan qaranka, isla markaana ay bad-baadiyeen deegaankoodii oo wixii hadda ka danbeeya la isla qaatay inuu bed-qabo.
Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa kaloo uu sheegay in bulshadda deegaamadda Fiqi-Ayuub, iyo Ceelal, iyo Dhuxulaysatadda jarista dhirta joojiyay ba ay ka balameen in ay bad-baadda dhirta ee adduunka qaybtoodda bad-baadiyaann.
Geesta kale wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay tallaabadani lagu soo af-jaray la dagaalanka jarista dhirta, isla markaana lagu joojinayo dhibaatadii deegaanka lagu hayay.
Ma aha markii u horaysay oo la fuliyo ololahani la dagaalanka jarista dhirta iyo xaalufinta deegaanka ee goboladda Togdheer iyo Saraar, balse kan maanta ayaa noqonaya kii saddexaad oo la fuliyo.

Dhinaca kale inkastoo olole balaadhan oo muuqda lagu qaaday Dhuxulaysatadda goboladda Togdheer, iyo Saraar, hadana waxaa la qiyaasayaa in weli ay ku jiraan kaynta qalab fara badan iyo Dhuxulaysatadiiba.
Sida ay sheegeen isku-duweyaasha wasaaradda deegaanka ee goboladda Togdheer iyo Saraar, oo hadalo ka jeediyay goobtii lagu soo bandhigayay qalabkaasi ay soo wareejiyeen Dhuxulaysatadu.
DAAWO: Hadalkii Wasiir Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY