Wasiirro Laascaanood Ka Dhagax-dhigay Xarun Agoomuhu Waxku Baranayaan

0
817

Laascanod (HargeisaPress)- Wasiirrada Wasaaraddaha Biyaha, Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) iyo Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo ay weheliyeen La-taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Bulshada iyo Maamulka Gobolka Sool ayaa dhagax dhigay Mashruuca waxbarashada Agoomaha ee Gobolka Sool.

Xaruntan waxabarasho waxaa wax ku baran doona carruurta Agoomaha ah ee Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle.

La-taliayaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Bulshada C/waaxid C/qaadir C/raxmaan, ayaa sheegay in mashruucan ay iska kaashadeen Dawladaha Somaliland iyo Kuwait.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa bulshada Gobolladaasi ku dhaqan ka codsaday in ay ka faa’iidaystaan Mashruuca waxbarashada Agoomaha.

Saleebaan yuusuf Cali (Koore) Wasiirka Wasaaradda Biyaha ayaa halkaasi ka hadlay waxaanu sheegay in Mashruucani wax weyn ka beddeli doono waxbarashada Gobollada bari, sidoo kalena waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi ay ka go’an tahay in mashaariic wax tarleh ay ka hirgalinayso Gobolka Sool, bulshada reer Laascaanoodna looga baahan yahay in ay weel u samaystaan.

 

HargeisaPress.com

LEAVE A REPLY