Wasiirro Kulan La Yeeshay Maamulka Togdheer iyo Ka Degmadda Burco

0
547

Burco (Hargeisa Press)- Wefdi uu hogaaminayay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay laamaha dawladda ee magaalada gobolkaTogdheer.

Weftigaasi oo maalmihii u danbeeyey safar shaqo u joogay gobolka Togdheer, gaar ahaana magaaladda Burco, ayaa sidoo kale waxay wasiirradu kulanka la yeesheen isu-duwayaasha wasaarradaha dawladda iyo haaydaha amniga.

Kulankani ayaa daarnaa is xog-waraysi xaalada gobolka guud ahaanba, sida abaaraha, Amniga iyo mashaariicda horuumarineed ee ka socda gobolka Togdheer iyo wada shaqaynta laamaha dawladda. Iyada oo ay war bixin buuxda siiyeen xubnaha golaha wasiirrada, isu duwayaasha gobolka.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa faray isu duwaasha iyo laamaha Amniga in la dar-dar geliyo shaqada ay qaranka u hayaan. Iyada oo wax walba laga horaysiinayo masuuliyada qaranka loo hayo iyo ta bulshada.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi (Nafoqo), iyo masuuliyiinta golaha Deegaanka Burco.

Geesta kale, xubnaha golaha wasiirrada ee kulankan ka qayb galay waxaa ka mid ah wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed iyo wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo xidhiidhka goleyaasha Maxamed Xaaji Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here