Wasiirro Kormeeray Xafiisyadda Wasaarradaha Dawladda Ee Laascaanood

0
330

Laascaanood (HP): Weftiga wasiirrada ah ee  ka tirsan xukuumadda Somaliland ee ku sugan magaaladda Laascaanood ayaa kormeer ku soo maray xarumaha ay wasaarradaha gaadiidka, Maaliyadda iyo  hawlaha guud  ku leeyihiin magaaladda Laascaanood.

Waxaana xubnahaasi wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ah hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka C/rasaaq Ataash.

Taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha, badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka degmadda Laascaanood.

Xubnahan wasiirradda iyo masuuliyiinta kale ah waxaa xarumihii ay booqdeen warbixino ku siiyay masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiisyadaasi.

Iyadoona ay dhamaantoodba si buuxda u shaqaynayeen xafiisyadoodu, isla markaana ay shaqaalaha iyo masuuliyiintuba heegan ku ahaayeen xiliga ay wasiirradu booqdeen.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY