Wasiirro Booqday Wershaddii Bacaha Soo Saari Jirtay Ee Shirqaale Plastic Factory

0
905

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland ayaa maanta kormeer ku tegay wershadii soo saari jirtay Bacaha iyo alaabooyinka caaga ah ee Shiraaqle Plastic Factory oo ku taalla duleedka bari ee Hargaysa.

Waxaanay wasiirradaasi soo indha indheeyeen isbedelka ku yimid hawlihii shaqo ee wershadaasi oo ay saamayn weyn ku yeelatay wareegtadii uu soo saaray sanadkii 2015-kii madaxweynihii xiligaas ee Somaliland.

Wareegtadaasi oo ahayd amar lagu mamnuucayay soo saarista Bacaha iyo waxyaabaha kale ee Bacda ka samaysan, taasoo xiligaas loola dan lahaa ilaalinta iyo daryeelka degaanka oo Bacdu dhibaato weyn ku hayso.

Wasiirradan maanta booqday wershadaasi ayaa kala ahaa wasiirka maaliyadda, wasiirka degaanka iyo wasiirka wasaaradda ganacsiga, wasiir ku-xgeenka maaliyadda iyo  maayar ku-xigeenka caasimadda Hargaysa.

Waxaanay kulamo xarunta shirkadaasi kula qaateen xubno ka mida mulkiileyaasha iyo maamulka wershadaasi.

Kormeerkaasi kadib ayaa wasiirradu waxay warbaahinta uga warbixiyeen u jeedadda kormeerkoodda iyo waxyaabihii ay ku soo arkeen qaybaha kala duwan ee wershadaasi.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY