Wasiirradda Nabadaynta U Jooga Ceel-Afweyn Oo Gaadhay Dararweyne

0
521

Dararweyne (HP): Weftiga wasiirrada ah ee muddooyinkanba hawlaha nabadaynta u joogay degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa maanta gaadhay deegaanka Dararweyne oo ka mida meelihii colaadu ka dhacday.

Xubnahan weftiga ah oo isugu jira wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, xildhibaano ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland iyo madax dhaqameed, ayaa muddooyinkanba ku sugnaa deegaamadaasi.

Dararweyne ayaa ka mid ah meelihii ay colaadda beelaha ee gobolka Sanaag ka taagnayd shanti sanadood ee ugu danbeeyay. Iyadoo dagaal beeleed halkaa ka dhacay ay ku dhinteen dad badan kuwo kale-na ku dhaawacmeen.

Weftigan oo ay ka mid yihiin 7 wasiirr oo ka tirsan xukuumadda Somaliland waxaa markii ay gaadheen deegaanka Dararweyne halkaas ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Sanaag, ka degmadda Dararweyne  iyo madax dhaqameedka beelahaasi.

Kuwaasoo sheegay in ay uga mahad celinayaan hawsha dhex-dhexaadinta ee ay u socdaan, isla markaana ay ku qanacsan yihiin hadba wiixii go’aamo ah ee ay soo saaraan.

Dhinaca kale xubnahan guddiga wasiirrada ah oo dadweynihii iyo masuuliyiintii soo dhaweeyay la hadlay ayaa sheegay in ay meel fiican u marayso hawsha nabadaynta beelahaasi, isla markaana ay ka rejaynayaan in ay natiijo fiican ay ka soo bixi doonto.

Waxaanay uga mahad naqeen balan-qaadka nabadgeliyo ee ay sameeyeen, taasoo ay ku tilmaameen mid faa’iido badan u keeni doonta bulshadda deegaankaasi.

Daawo: Hadaladii Soo Dhawaynta Weftiga Wasiirrada:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY