Wasiirkii Deegaanka Puntland oo U Geeriyooday Coronavirus

0
2010

Muqdisho (Hargeisa Press) – Wasiirka deegaanka iyo Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee maamul goboleedka Puntland, Dr. Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa cudurka Covid-19 ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa maalmo ka hor diyaarad lagaga qaaday magaalada Garoowe ee caasimada Maamul goboleedka Puntland kadib markii xaaladiisa caafimaad ay soo xumaatay oo ay neef ku naqabatay.

Alle ha u naxariistee waxaa uu kamid ahaa wasiiraddii Puntland ee xanuunka uu ku dhacay markii ay arimaha gurmadka u joogeen magaalada Qardho.

Wasiir Ismaaciil ayaa noqonaya wasiirkii ugu horeeyay ee ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo cudurka u geeriyooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here